Nala soo xiriir

Wararka

Mas’uuliyiin sar sare oo Jowhar u yimid dhameynta khilaafka Shirka ka dhashay

La Qoray

on

Magaalada Jowhar oo ah caasimada maamulka HirShabeele ayaa waxaa soo gaaray masuuliyiin kala duwan oo doonaya iney dhameeyaan khilaafka ka dhashay shirka maamulka HirShabeele ee ka socdo magaalada Jowhar.

Waxaa xalay mashquul daran laga dareemayay madaxtooyada maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana kulamada ay u dhaxeeyeen masuuliyiinta dowlada Soomaaliya ee kusugan Jowhar iyo xubnaha isku khilaafay xubinimada madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabeele.

Wararka qaar ayaa sheegaya inuu wali jira kala duwanaansho labada dhinac ah, isla markaana dhinaca Musharaxa Kuxigeenka Madaxweynaha ay soo jeediyeen shuruudaha illaa shan qodob oo ay tahay in wax laga qabto,

Dooda ugu badan ee cabashada ah ayaa la sheegay inay u dhaxeyso Cali Xasan Taakow iyo Cali Guudlaawe oo isku haya xilka madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabeele.

Wararka qaar ayaa sheegaya in la soo jeediyay in Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe uu marka hore is casilo, kaddibna isku sharaxo xilka Madaxweyne kuxigeenka.

Arrimaha ugu badan ee laga hadlayay ayaa waxaa ka mid ahaa in Musharaxiinta laga daayo fara gelinta, cid walbana ay is sharaxi karto, waxaa kaloo la soo jeediyay in Xildhibaanada Baarlamaanka ee tagay Jowhar iyana banaanka ka joogaan doorashooyinka Maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale cabashooyinka la soo jeediyay ee odayaasha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda beesha Musharax Madaxweyne kuxigeenka ayaa waxaa ka mid ahaa in Madaxtooyada ay fara gelinta ka joojiso shirka.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, Wasiirka arimaha gudaha, Wasiiru dowlaha Maaliyadda iyo xubno kale oo uu ka mid yahay Muuse Suudi Yalaxow ayaa ilaa shalay kulamo la qaadanayay dhinacyada khilaafka uu ka dhashay, iyaga oo doonaya in doorashada ay sii socoto lana dhameeyo khilaafka iyo cabashada ka timid qaar ka mid ah Musharaxiinta.

Warar kale oo aan heleyno ayaa sheegaya in xalay magaalada uu soo gaaray Cali Mahdi Maxamed madaxweynihii hore ee Soomaaliya, isaga oo qeyb ka ah xubnaha sar sare ee doonaya iney xal ka gaaraan khilaafka iyo hakadka ku yimid shirka maamulka u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Waxyaabaha kale ee dhiman ayaa lagu wadaa in maanta la dhameystiro, si loo ambaqaado doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka.

Dhinaca kale waxaa xalay magaalada Jowhar ku hoyday gudoomiyihii hore ee Hiiraan C/fataax Xasan Afrax, waxaana maanta la filayaa iney magaalada tagaan masuuliyiin ka tirsan maamulka Hiiraan.

Gelinka dambe ayaa lagu wadaa in la ambaqaado dhageysiga Khudbadaha Musharaxiinta, hadii inta ka haray dhameynta cabashada iyo khilaafka shirka hareeyay la dhameeyo gelinka hore ee maanta.

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Dagaal U Dhexeeya Ciidanka DF & Al-Shabaab Oo Ka Socda Deegaan Hoostega Moqokori

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Dagaal u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka, Ciidanka deegaanka ee macwiileyda ah iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa waxaa uu ka socdaa deegaan 40-KM dhanka bariga ka xiga deegaanka Moqokori ee Gobalka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii sida la sheegay xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhiga Ciidanka deegaanka ee macwiileyda ku lahaayeen deegaanka Ceel-qooxle ee hoostega Moqokori ee Gobalka Hiiraan.

Dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la isku adeegsanayaa dagaalka u dhxeeeya Ciidanka dowladda, kuwa deegaanka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab, illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Ciidanka dowladda Federaalka ayaa maalmo kahor Al-shabaab kala wareegay deegaanka Moqokori oo ay muddo ku sugnaayeen, waxaana warbaahinta dowladda ay sheegtay in howlgal ka dhacay Moqokori lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab.

Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada Hiiraan, Galgaduud, iyo Mudug ee maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa waxaa ka socda howlgalo ka dhan ah Al-shabaab, waxaana halkaas ka dhacay dagaal khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah geystay.

sii aqri

Wararka

Aadan Barre Ducaale Oo Loo Magacaabay Wasiirka Difaaca Kenya.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa goor dhoweyd ku dhowaaqay qaar ka mid ah xubnaha golaha cusub ee wasiirrada ee dalkaaasi.

Xidhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga Kenya, halka Alfred Mutua uu ka noqonayo wasiirka arrimaha dibedda, sida ay sheegtay warbaahinta Kenya.

Xubnaha kale ee golaha wasiirrada waxaa ku jira Moses Kuria oo noqonaya wasiirka ganacsiga iyo waarshadaha, iyo Kithure Kindiki oo noqonaya wasiirka arrimaha gudaha.

Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale magacaabay Musalia Mudavadi oo ka mid ah hoggaamiyayaasha axsaabta isbahaysiga la lahaa madaxweynaha inuu noqdo Xoghayaha Koowaad ee Golaha Wasiirrada.

sii aqri

Wararka

Dhalinyaro ku Xayirnaa Dalka liibiya Oo Dalka Dib Loogu Soo Celiyey.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Xafiiska Ergayga Gaarka ee Dib u soo celinta Muhaajiriinta iyo Carruurta ee Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta dalka dib ugusoo celiyey 9 dhallinyaro Soomaaliyeed oo Liibiya ku xayirnaa sannado badan, oo Magafe ka soo baxsaday, ka dibna yimid Safaaradda Soomaaliya ee Tripoli si ay dalkooda dib ugu soo laabtaan iyagoo la soo xariirey Xafiiska Ergayga Gaarka ah.

Waxaa Garoonka Diyaarradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey Ergeyga Gaarka ah ee Xuquuqda muhaajiriinta iyo carruurta Amb. Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf iyo xubno ka mid ah Xafiiska Ergayga Gaarka ah.

Amb. Maryan oo dedaalkaan soo wadday Illaa iyo 2016 ayaa dalkooda ku soo celisay dhallinyaro tiro badan oo ku jiray xabsiyo kala duwan isla markaana baadi goob u gashay samo-tabixinta dhallinta ku go,doonsan daafaha caalamka, iyadoo uga mahad celisay Madaxwenaha dalka iyo Ra’iisul Wasaarah dadaalka ay galiyeen badbaadda dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo la kulmay dhiiggiisa Liibiya ayaa kala hadlay badbaadada Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku xayirran sidii dib loogu soo celin lahaa dalkooda hooyo

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay inay dadaal dheer ugu jirto in muwaadiniinta Somaaliyeed ee xabsiyada dalalka kala duwan ku jira iyo kuwa ku dhibaateysan isla markaana ku xayiran dalalkaas in ay dalkoodu dib ugu soo celiso.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka2 days ago

Dagaal U Dhexeeya Ciidanka DF & Al-Shabaab Oo Ka Socda Deegaan Hoostega Moqokori

Wararka4 days ago

Aadan Barre Ducaale Oo Loo Magacaabay Wasiirka Difaaca Kenya.

Wararka4 days ago

Dhalinyaro ku Xayirnaa Dalka liibiya Oo Dalka Dib Loogu Soo Celiyey.

Wararka4 days ago

Ciidamo gadoodsan oo la wareegay Kastamka Canshuuraha Magaalada Gaalkacyo

Wararka4 days ago

Maamulka Hir-Shabeelle oo guddi gurmad gaarsiiya u magacaabay degaannada laga saaray Al-Shabaab

Wararka4 days ago

Alshabaab Oo Lagala Wareegey Degmada Buq-Aqable

Wararka6 days ago

James Swan Oo Kulan Laqaatay Ra’iisul Wasaar Xamse.

Wararka6 days ago

Guddiga Gaadiidka iyo Hawlaha Guud oo la kulmay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta ee DFS.

Wararka6 days ago

Axmed Macalin fiqi ayaa Sheegey In Diyaarahada Aan Duuliya Laheen Qeyb Ka Yihiin Dagaalka Ka Dhanka ah Alshabaab

Wararka6 days ago

Al-Shabaab Oo Ka Hadlay Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho

Wararka6 days ago

Ciidamada Dowladda Oo Al-Shabaab Kala Wareegay Degaano Horleh.

Wararka1 week ago

Hamza Abdi Barre Oo Oaray Golaha Wasiirada Dardargalinta Barnaamijka Deyn Cafinta.

Wararka1 week ago

Guddiga doorashooyinka Somaliland oo sheegay in doorashada Madaxweynaha aysan qaban karin

Wararka1 week ago

ATMIS oo hoos u dhigtay doorka maleeshiyaadka macwuusleyda ee dagaalka Shabaab

Wararka1 week ago

Madaxweyne Deni oo wasiir u magacaabay taliye Ciidan

News In English1 week ago

President Mohamud Asks Int´l Partners To Help Somalia Avert Looming Famine & Defeat Scourge Of Al-Shabaab.

News In English1 week ago

Somali Government signs UPEACE Charter, opening new opportunities for Somalis

Wararka1 week ago

Taliye Odawaa Oo Ka Hadlay Dagaal Ka Dhacay Duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Wararka1 week ago

Dowladda Qatar oo ugu yaboohday dalal ay kujirto Somalia $12 Milyan oo gargaar ah

Wararka1 week ago

Howlgal Lagu Soo Qab-Qabtay Dad Badan Oo Laga Sameeyay Degmooyin Ka Tirsan Muqdisho

Wararka1 week ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee socda & Abaaraha

Wararka4 weeks ago

Xukun Dil Toogasho Oo Lagu Riday Askar Ka Tirsan Ciidanka Dowladda Oo Dilal Geysatay

Wararka4 weeks ago

Khasaaro Ka Dhashay Qaraxii Maanta Ka Dhacay Magaalada Baraawe.

Dhegeysi7 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka6 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi7 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Wararka7 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka6 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka7 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka6 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi2 years ago

Dhegeysi7 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka5 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka6 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka5 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English7 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

News In English7 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Wararka5 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Muuqaalo7 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English7 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English5 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English5 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English5 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Wararka4 years ago

Nin Soomaali ah oo weerar mindi loo adeegsaday ka geystay masaajid ku yaal Cape Town

Warbixinada5 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada5 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

Daalaco