Nin Somali ah ayaa maxkamad ku taallo dalka Mareykanka wuxuu ka hor qirtay inuu doonaayay ku biirista Ururka Daacish ee ka dagaalama Dalka Syria, isaga iyo rag kale.
Hanad Musse, ayaa Arbacadii shalay maxkamada horteeda wuxuu ka qirtay inuu doonaayay ku biirista Kooxda Daacish isaga iyo sideed kale oo dhalinyaro ah.
Maxkamada magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota, ayaa lasoo taagay, Hanad, wuxuuna sheegay qorshaha ku aadan u socdaalida dalka Syria inay aad ugu han weynaayeen isaga iyo xubnaha kale ee rabay inay la midoobaan Ururka Daacish si ay qayb uga noqdaan dagaalada Kooxdaasi ay wado.
Musse ayaa dhageysiga dacwadiisa Maxkamada ka hor qirtay danbigiisa, isagoo tan iyo xiritaankiisa bishii Aprill Maxkamad Federaal ah uu ku jiray.
Dacwad oogayaasha Muuse, ayaa sheegay inuu labo mar isku dayay inuu ka tago dalka Mareykanka uuna u safro dalka Syria si Daacish uu uga mid noqdo, laakiin waa ay u suurageli weysay.
Dhalinyaro badan oo Soomaali ah ayaa ka tagay dalka Mareykanka, iyo dalalka kale ee Yurub, waxaana ay ku biireen Daacish iyo Ururka Shabaab ee Somaaliya ka dagaalama.