Dowladda Federaalka Somalia ayaa ku amartay dadka shacabka ah ee degan Xaafada Ex Fiyoore ee Degmada Wardhiigleey inay ka guuraan , ugana baxaan 10 cisho gudahooda.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo maanta Saxaafadda kula hadlay Xaafada Ex-Fiyoore, ayaa sheegay dadka shacabka ah ee Xaafadaasi degan inay ka guuraan.
Wuxuu sheegay Fanaaniinta Hobolada Waaberi ka tirsan inay deganaan karaan Xaafada Ex-Fiyoore, balse dadka kale ee aanan aheyn fanaaniinta ee shacabka ah inay sida ugu dhaqsiyaha badan halkaasi u baneeyeen.
“Dadka shacabka ee Xaafada Ex-Fiyoore degan waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan u baneeyaan Xaafadaasi, howshii lagu qaban jiray ee aheyd wacyigelinta iyo howlihii kale ayaa lagu qabanayaa hada kadib, Magaalada waa nabad guryo kale ha raadsadaan dadka 10 maalin gudahooda waa inay ku baneeyaan, Fanaaniinta Hobolada Waaberi kaliya ayaa deganaanaya.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.
Wasiir Maareeye, ayaa ku goodiyay qofkii aanan ku guurin 10 cisho gudahooda tallaabo deg deg ah in laga qaadaayo, wixii ku dhacana isaga uu masuul ka yahay.
Xaafada Ex-Fiyoore oo ku dhaw Madaxtooyada Somalia, ayaa xilligii Dowladii Maxamed Siyaad Barre waxa deganaan jiray kaliya Fanaaniinta Somaliyed, balse wixii ka dambeeyay bur-burkii Dowladii dhexe shacab iyo Fanaaniin intuba waa ay isla degan yihiin Xaafadaasi.
Amar kasoo baxay Wasiirka Warfaafinta Somalia ayaa waxaa soo dhaweeyay qaar ka mid ah Fanaaniinta Somaliyed.