Nala soo xiriir

Wararka

Maxamed Cumar Carteh ayaa maanta xafiiska ku qaabilay wafdi ka socday Dowladda Sweden

La Qoray

on

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Cumar Carteh ayaa maanta xafiiska ku qaabilay wafdi ka socday Dowladda Sweden oo ay hoggaaminaysay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Sweden Isabella Lovin, Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, saraakiil sare sare oo ka socotay G7+ oo ah madal ay ku mideysan yihiin dalalka deeq-bixiyeyaasha Barnaamijka Hiigsiga cusub, waxaana kulankan sidoo kale ku wehliyay R.wasaare kuxigeenka Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS, Wasiirka Caddaaladda, Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Haweenka iyo xuquuqda Aadanaha, Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Dastuurka iyo Wasiiru dawle-yaasha Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibedda.

Wafdiga ayaa kala hadlay Xubnaha Golaha Xukuumadda ee ay la kulmeen, horumarinta Barnaamijka New Deal, iyadoo la isku soo qaaday arrimo dhowr ah oo ka mid tahay caqabadaha hortaagan fulinta howlaha mudnaanta leh ee ku jira Barnaamijka Hiigsiga cusub, (New Deal). Waxaana la isla gartay in si deg deg ah loo fuliyo mashaariicdii la ansixiyey ee barnaamijka Hiigsiga cusub, gaar ahaan arrimaha muhiimka u ah Hiigsiga 2016.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in wax badan aysan ka qabsoomin barnaamijyadii la qorsheeyey, isaga oo ka codsaday deeq-bixiyeyaasha in si deg deg ah loo fasaxo kharashaadkii la ballan qaaday si loogu fuliyo masharaacdii la ansxiyay. Isagoo tilmaamay qodobada u baahan in wax laga qabto ay ka mid yihiin Dastuurka, Caddaaladda iyo Amniga.

“Waxaa haatan laga joogaa laba sanno markii barnaamijkaasi Hiigsiga cusub uu soo bilowday, balse waxaan weli taagahanay heer aan ka doodeyno nidaamka, iyadoo aaney weli jirin maalgelin lagu sameynayo adeegyada muhiimka inoo ah, iyadoo taasi ay dheer tahay in Soomaaliya aysan door weyn ku lahayn maamulka barnaamijkaasi” ayuu yiri Maxamed Cumar Carte.

Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdiraxmaan Caynte, ayaa saxaafadda uga warbixiyey waxyaabihii looga hadalya shirka, wuxuuna sheegay in ay ka mid yihiin mashaariic lagu hormarinayo dowlad-nimada Soomaaliya, kuwaasi oo lasoo marsiiyey khasnadaha uu leeyahay barnaamijka New Deal, waxaana ka mid ah mashaariicdaas kuwo lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka iyo qaar lagu tayeynayo shaqaalaha dowladda.

“Ujeedka shirkan maanta aan la qaadanay Wafdigii ka socday Dawladda Sweden oo ay hoggaaminaysay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah wuxuu ahaa, sidii horey loogu sii amba qaadi lahaa Barnaamijka Hiigsiga cusub. Waxaana goobta ka sheegnay sida ay nooga go’an tahay ka miro dhalinta barnaamijkan, iyadoo ay jiraan caqabado badan oo ka mid tahay in wali aan la gaarin ujeedooyinkii ugu muhiimsanaa ee barnaamijka Hiigsiga cusub ku xusnaa” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta.

Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Sweden Isabella Lovin ayaa ugu danbeyn sheegtay in wax yaabaha ay kala hadleen Dawladda Soomaaliya ay u gudbin doonaan deeq-bixiyeyaasha, iyadoo rajo ka muujisay in la saxo caqabaddaha jira, lana dardargeliyo mashaariicdii la qorsheeyey fulintooda, sida ugu dhaqsaha badan.

unnamed-4

unnamed-5

unnamed-7

unnamed-8

unnamed-9

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Jubbaland & Koonfur Galbeed oo shaacinaya Guddiyada xulaya Ergooyinka doorashada

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland gaar ahaan Guddiyadooda doorashooyinka ayaa waxaa lagu wadaa inay soo bandhigaan Guddiyada soo xulista Ergada dooraneysa min Saddex Kursi ee Golaha Shacabka, kuwaas oo dhawaan doorashadooda la shaaciyay

Maamulka Koonfur Galbeed oo ugu horreeya ayaa la filayaa inay shaaciyaan Maanta oo Khamiis ah Guddiga soo xulista Ergada Saddexda Kursi oo doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, halka Sabtida oo taariikhdu ku beegan tahay 22 Bisha Janaayo ay ku dhaqaaqi doonaan Tababarida Guddiga iyo soo gudbinta Ergooyinka.

Dhinaca kale Guddiga doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa Maalinta Sabtida h oo taariikhdu ku beegan tahay 22 Bisha Janaayo ay shaacin doonaan Guddiga soo xulista Ergada Saddexda Kursi oo doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Kismaayo, halka Maalinta kuxigta ee Axadda ah ay geli doonaan soo diyaarinta liisaska Ergooyinka.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shalay Magaalada Baydhabo ku qabtay doorashada 5 kursi, waxaana sidoo kale la filayaa in Maamulka Jubbaland uu Magaalada Kismaayo ka bilaabo doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

sii aqri

Wararka

Guddoomiyaha Cusub Ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Oo La Doortay

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho Waxaa ku soo dhammaatay doorashada Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka dadban, kadib markii xilka Laga qaaday Guddoomiyihii hore ee Guddigaas.

Doorashada xilka Guddoomiyaha Guddiga Khilaafaadka ayaa waxaa isku soo sharaxay laba Musharax oo kala ahaa Maxamed Cawil Warsame iyo Mustaf Macalin Cali, balse inta aysan bilaaban doorashada ayaa waxaa tanaasulay Musharax Mustaf Macalin.

Xubnaha Guddiga Khilaafaadka ayaa Cod gacan taag ah ugu coddeeyay, kuna doortay in Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka uu noqdo Maxamed Cawil Warsame oo kamid ah xubnaha Guddigaas.

Maalmo kahor ayaa waxaa Teendhada Afisyooni ee Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ka dhacday doorashada Guddoomiyaha cusub ee Guddiga doorashooyinka heer Federaal, waxaana xilkaas ku guuleystay oo loo doortay Muuse Geelle Yuusuf oo bedelay Guddoomiyihii hore ee Maxamed Xasan Cirro.

sii aqri

Wararka

Soomaaliya & Shiinaha oo ka wada hadlay Amniga & Dhaqaalaha

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Danjiraha Dowladda aynu saaxiibka nahay ee Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Mudane FEI Shengchao, oo booqasho ugu yimid.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha ee dhinacyada siyaasadda, amniga, la dagaallanka argagixisada, horumarinta, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale, waxaa kulanka diiradda lagu saaray sidii ay dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Shiinuhu u wada bilaabi lahaayeen mashaariic horumarineed oo laga fulinayo dalka, kuwaas oo qayb ka ah iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya labada dal, si looga dhabeeyo himilooyinka qaran ee labada Shacab ee saaxiibbada ah.

Danjiraha Shiinaha ayaa tilmaamay in ay Soomaaliya u tahay saaxiib istaraatiiji ah, isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay Dowladda Shiinaha uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay u hayaan dowlad-dhiska Soomaaliya iyo ixtiraamka midnimada iyo madax-bannaanida dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka ee xigaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali ayaa uga mahadceliyey dowladda Shiinaha taageerada iyo kaalinta ay ka qaadato ilaalinta midnimada iyo ixtiraamidda madax-bannaanida Soomaaliya.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka17 hours ago

Jubbaland & Koonfur Galbeed oo shaacinaya Guddiyada xulaya Ergooyinka doorashada

Wararka17 hours ago

Guddoomiyaha Cusub Ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Oo La Doortay

Wararka18 hours ago

Soomaaliya & Shiinaha oo ka wada hadlay Amniga & Dhaqaalaha

Wararka5 days ago

Wararkii ugu Danbeeyey Xaalada Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Wararka5 days ago

Xarumo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo Oo Duqeymo Loo Geystay.

Wararka5 days ago

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Degmada Xudur.

Wararka5 days ago

Qarax Goor Dhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Wararka1 week ago

Al Shabaab Oo Sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho.

Wararka1 week ago

Faah faahin Laga Helay Qarax Is-miidaamin ah Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Wararka1 week ago

Wasiirka Amniga Oo Fasaxay Qabashada Banaanbax Ka Dhacayo Muqdisho.

Wararka1 week ago

Tahriibayaal ku Xayirnaa Dalka Liibiya Oo Muqdisho lagu Soo Celiyay.

Wararka1 week ago

Dowladda Mareykanka Oo Cunaqabateyn Ugu Hanjabtay Madaxda Soomaalida

Wararka1 week ago

Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Magalaada Muqdisho.

Wararka2 weeks ago

UN Ka Oo Soo Dhaweeyey Hashiiskii Golaha Wadatashiga Qaran.

Wararka2 weeks ago

Taliska Ciidanka Xoogga Oo Sheegay inay Howlgal Ku Dileen Dagaalyahano Katirsan Al-Shabaab.

Wararka2 weeks ago

RW Rooble Oo Kulan La Qaatay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Midowga Musharixiinta.

Wararka2 weeks ago

Guddiga Doorashooyinka Oo Ka Hadlay War-murtiyeedka Kasoo Baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Wararka2 weeks ago

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo War-murtiyeed laga Soo Saaray.

Wararka2 weeks ago

Maamulka Gobalka Banaadir Oo Amar Soosaaray.

Wararka2 weeks ago

Dagaal u Dhaxeya Cidamo Kawada Tirssan Dawlada oo Kadhacay Magaalada Guriceel .

Wararka2 weeks ago

Golaha Wadatashiga Qaran Iyo Midowga Musharaxiinta Oo Kulan Uga Soconayo Muqdisho.

Wararka2 weeks ago

Israsaaseyn Khasaaro Geysatay Oo Ka Dhacday Magaalada Boosaaso.

Wararka2 weeks ago

Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Wararka5 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi6 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi6 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka6 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka5 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka6 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka5 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi6 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka4 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka4 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English6 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Wararka4 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Muuqaalo7 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English4 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English6 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English4 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English4 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada4 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada4 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

Warbixinada4 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

News In English4 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco