Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud & Guriyeenta Xukuumadda Somaliya, Maxamed Cumar Geedi, ayaa Mamaulka Jubbaland ku eedeeyay in uu ka masuul yahay weerarkii ismiidaaminta ahaa, ee Sabtidii ka dhacay Jaamacadda Kismaayo, balse xilligan lagu tababaro Ciidanka Jubbaland.
Wasiir Ku Xigeenka, ayaa sheegay in uu jiro tuhun badan oo ka dhan ah qaabkii uu weerarkaasi u dhacay, isagoo xusay in wadada gasha Jaamacadda Kismaayo aan loo ogolayn inay dadka iyo gawaariduba maraan, isla-markaana ay tahay aag ciidan.
Arrinta kale ee shakiga abuurtay, ayuu sheegay inay ka dhalatay qaabka deg degga ah ee loo toogtay, nin la sheegay in loo xiray ku lug lahaanshaha weerarkaasi. Ninkaasi oo lagu magacaabi jiray Cali Sankuus, ayaa ka tirsanaa Saraakiisha Jubbaland ee tababarka siisa Ciidanka ku xareysan xeradaasi.
Sidoo kale waxa uu sheegay gaarigii weerarka lagu fuliyay inuu ahaa mid yaali jiray xerada, wuxuuna su’aal ka keenay qaabka ay Al Shabaab ugu suurta gashay, inay weerar ka fuliso xero ammaankeeda si weyn loo ilaaliyo.
Maxamed Cumar Geedi oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa ku baaqay in baaritaano sax ah lagu sameeyo qaabka uu weerarkaasi u dhacay iyo toogashada Sarkaalkaasi, isla-markaana ay baaritaanada ka qayb qaataan Hay’ado Caalami ah iyo Dowladda Federalka Somaliya.
Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubbaland, C/nuur Cali Aadan, ayaa si xoogan u beeniyay eedeymaha uu Wasiir Geedi u soo jeediyay Maamulkaasi. Wuxuuna sheegay in arrintaasi cadeymo loo haayo inaanay Jubbaland ka dambeen.
C/nuur Cali oo ka jawaabaayay sida ay Shabaabka ugu suurta gashay inay weerarkaaasi gaystaan, ayuu sheegay in Shabaabku yihiin kuwo inta badan qorsheeya weeraro gaadmo leh, isla-markaana uu weerarkaasi qayb ka mid ah weeraradooda gaadmada leh, sida uu yiri.
C/nuur oo u waramay VOA, ayaa iftiimiyay inay wadaan baaritaan la xiriira toogashada ninka Sarkaalka, ayna sixi rabaan dilkaasi oo sida uu sheegay si khaldan u dhacay.