Nala soo xiriir

Warbixinada

Maxkamad ku taallo dalka Kenya ayaa xukun dil ah waxa ay ku riday shan ruux oo lagu eedeeyay inay horay u dileen haweenay Waayee

La Qoray

on

Maxkamad ku taallo dalka Kenya ayaa xukun dil ah waxa ay ku riday shan ruux oo lagu eedeeyay inay horay u dileen haweenay Waayeel aheyd oo ku noolayd xaafad ku taalla Magaalada Kisumu ee dalka Kenya.

Dhageysiga eedeymaha shantaan nin loo soo jeediyay, kadib iyo marqaatiyaal maxkamada la horkeenay, ayaa Garsoorihii maxkamada waxa uu gaaray go’aan ah in shanta nin xukun dil ah lagu riday, kadib eedeymaha loo soo jeediyay oo cadeymo loo helay.

Raggaan ayaa lagu eedeeyay in ay dileen, haweenay waayeel ah oo ay ku eedeeyeen inay ku lug leedahay arimo ku saabsan sixirka, waxaana ay u dileen qaab fool xumo ah.

Dilka haweeneydaasi oo lagu magacaabi jiray Ann Wanjiku ayaa muddo 5 sano ah ka hor ka dhacay xaafad ku taalla magaalada Kisumu ee dalka Kenya.

Xilliga falka dilka ah Ms Wanjiku loo geysanaayay ayaa guriga waxaa la joogtay gabar walaasheed ah oo lagu magacaabo Damaris Muthoni taas oo xaakinka maxkamadda Nakuru Roselyne Wendo u sheegtay in eedeysanayaasha ay ka diideen codsi ay u jeedisay oo ahaa in walaasheed ay saldhiga Booliska geeyaan ka hor inta aysan dilin.

Shantaan nin ayaa hada xiran waxaana ay sugayaan in lagu fuliyo xukunka dilka ah ee maxkamada ay ku xukuntay.

Dilka 5-sano ka hor ay u geysteen haweenayda waayeelka aheyd ayaa la sheegay in iyadoo nool ay jiideen, kadib markii ay ka daaleen sidii ay u garaacayeen.

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Booliska Australia Oo Baadi Goobaya Muwaadin Soomaaliyed Oo Dil Ka Geystay Dalkaasi.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Booliska dalkaasi ayaa soo saaray Warqaddii lagu soo qaban lahaa Ninkaasi oo lagu magacaabo C/qaadir Faarax, kaasi oo lagu eedeynayo inuu Marxuum la oran jirey C/llaahi Maxamed Cigaal ku dilay dalkaasi sannadkii 2015-kii.

Hadal-qoraal oo ay Boliska Australia soo saareen ayey ku sheegeen inuusan jirin Heshiis ay Dowladaha Somalia iyo Australia horey isugu raaceen in Dembiilayaasha la isku soo celin karo.
Eedeysanaha la raadinayo ayaa la sheegay inuu dalka Australia ka soo baxsaday markii uu dilkaasi geystay, isla markaana uu haatan ku sugan gudaha Somalia, inkastoo aysan Boliska si rasmi ah u caddeynin magaalladda uu kaga sugan dalka Somalia.

Boliska Australia waxay sheegeen inuu C/qaadir Faarax ka soo dhoofay Garoonka Caalamiga ee magaalladda PERTH, isagoo Transit ku soo maray Dubai, ka hor inta uusan ku soo laabanin Somalia.
Dhinaca kale, Maydka Marxuumka la dilay ee C/llaahi Maxamed Cigaal oo 25-jir ahaa waxaa maydkiisa la helay bishii October ee sannadkii 2015-kii, 5 bilood kadib, markii la waayey Eedeysanaha dilka geystay.

sii aqri

Warbixinada

Masjidka Xaramka Ayaa Waxa Ku Soo Jabay Washiir Shaqo Kawaday Masjidka

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Saraakiisha Mamulka magaalladda Maka Al-mukarama ee dalka Sacuudiga ayaa sheegay inuu Wiish nooca guur-guura soo jabay kuna habsaday goob uu dhismo ka socday Masjidka weyn ee Maka, iyadoo Dareewalkii Wiishkaasi uu soo gaaray dhaawac fudud.

Twitter-ka Telefishinka Al-Ekhbaariya waxa uu ka soo xigtay Sarkaal ku sugan Maka Al-mukarama inaysan waxyeello soo gaarin dadkii ku cibaadaysanayey Masjidka Xaramka.

Goobta uu dhismuhu ka socdo ee Masjidka Xaramka ayaan weli loo furin dadka Cibaadaysana, kuwa Cumradda iyo dadka kale ee u soo cibaada taga Masjidka weyn ee Xaramka ee magaalladda Maka Al-mukarama.

Sawiro laga soo qaaday goobta uu ka dhacay Shulka, ayaa muujinaya inuu Wiishku ku dhacay meel uu dhismo ka socday, oo uusan ku dhicin meel ay dadkii cibaadaysanayey joogeen

sii aqri

Warbixinada

Trump ayaa ku dhowaaqay in dowladiisu ay ka baxday heshiis lala galay sanadkii 2015 wadanka Iran

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay in dowladiisu ay ka baxday heshiis lala galay sanadkii 2015 wadanka Iran kaasoo ku saabsanaa horumarinta barnaamijka Niyukliyerka.

Trump ayaa saxiixay ka bixitaan heshiiskan waxana uu sheegay in cunoqabatayn xoog leh uu ku soo rogayo dalka Iran.

Shir jaraa’id oo goor dhow qabtay ayuu Madaxweynaha Maraykanka waxa uu ku eedeeyay dowlada Iran inay gacan siiso kooxaha argagaxisada ah isagoo tusaale u soo qaatay kooxaha Xamaas,Daalibaan iyo Alqaacida.

Dowlada Maraykanka ayaa hore loogu baaqay inaysan ka bixin heshiiskan lala galay dalka Iran,hase yeeshee baaqyadaas ayaa guuldareystey kadib markii uu Madaxweyne Trump ku dhowaaqay in dowladiisu ay ka baxday heshiiska.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in haddii heshiiskan uu sii socdo wadan walba oo ku yaal bariga dhexe waxa uu tartan u galayaa in uu sameysto hub niyukliyer ah.

Madaxweynaha Iran Ruuxaani ayaa si dhaqso ah uga jawaabay warka ka soo baxay Madaxweynaha Maraykanka waxana uu ku tilmaamay ka bixitaanka heshiiska mid aan sharci ku fadhin oo xaaraan ah isla markaana carqaladaynaya heshiisyada caalamiga ah.

Madaxweyne Ruuxaani ayaa sheegay in dalkiisu uu ilaaliyo heshiisyada uu galo balse Maraykanka uu ka baxo heshiisyada uu galo.

Qorshahan dhamaystiran ee heshiiska ayaa waxaa isku raacay oo saxiixay dowladda Iiraan iyo 5 dal ee xubnaha joogatada ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Wadamadan ayaa kala ah Mareykanka , UK, Faransiiska, Shiinaha,Jarmalka iyo Ruushka. Heshiiskani barnaamijka Niyukleerka ee iiraan iyo wadamada quwadaha waawayn loo yaqaanaa (P5+1).

Heshiiskaasi waxaa qeyb ka ahaa in Iiran ay aqbashay inay yareyso keydkeeda macdanta bacriminta Yureeniyaamta oo loo isticmaali kara in hub niykliyeer ah laga sameeyo. Xadiditaankaasi ayaa lagu heshiiyay inuu socdo muddo 15 sano ah.

Heshiiska ayaa waxaa lagu taageeray qaraarkii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa 2231, waxaana dhaqangalinta heshiiskani uu bilaabamay bishii January 2016, ka dib markii ay hay’ada caalamiga ah ee ka hortaga hubka Atoomikada ay xaqiijiso in Iiraan ay fulisay balanqaadka.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka8 hours ago

Bangiga Adduunka Oo Soomaaliya Ugu Deqey Malaayiin Doolar.

Wararka8 hours ago

Axmed Madoobe Oo la kulmay Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafadka Doorashooyinka.

Wararka8 hours ago

Duqeyn Dhanka Cirka Ah Oo Ka Dhacday Gobolka Mudug.

Wararka8 hours ago

Madaxweyne Qoorqoor Oo Laga Dalbaday Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare.

Wararka8 hours ago

Ciidanka DANAB Oo Howlgal Ka Samayey Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka1 day ago

Ra’iisulWasaare Oo Dalka Dib igu Soo Laabtay Kana Warbiyey Sodalkiisii(Daawo).

Wararka1 day ago

Magaalada Baydhaba Ayaa Waxaa Gaaray Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal.

Wararka1 day ago

Wasaaradda Caafimaadka Oo Fariin U Dirtay Shacabka Soomaaliyeed.

Wararka1 day ago

Duqa Garoowe Oo Ka Hadlay Khasaaraha Uu Geystay Dabkii Sakay Kacay.

Wararka4 days ago

Fahad Yaasiin Oo Magacaabis Sameeyay.

Wararka4 days ago

Cabdullaahi Abyan Nuur Ayaa Gaaray Magaalada Kismaayo.

Wararka4 days ago

Gudoomiye iyo Gudoomiye Ku Xigeen Cusub Oo Loo Magacaabay Degmada Matabaan

Wararka6 days ago

Guddiyada Doorashooyinka Qaranka iyo Jubbaland Oo Kulmay.

Wararka6 days ago

Qaramada Midoobey Oo Soo Dhaweeyey Gudigii uu Magacaabay Rooble.

Wararka6 days ago

Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Gobalka Hiiraan.

Wararka6 days ago

Ciidanka Xooga Dalka iyo Ciidanka Darawiishta Galmudug Oo Howlgal Sameyey.

Wararka1 week ago

Rooble Oo Magacaabay Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka.

Wararka1 week ago

Gen Xijaar Ayaa Magacaabay Afhayeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Wararka1 week ago

Ra’iisul Wasaare iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Oo Kulan Dhnka Zoomka Ah Yeeshay.

Wararka1 week ago

Danjire Cawaale Cali Kullane Oo laba Shirkadood kala Hadashay Arrimaha Shidaalka Soomaaliya.

Wararka1 week ago

Maamulka Koonfur Galbeed Oo Magacaawday Guddi Baarlamaan Ee Doorashada Aqalka Sare.

Wararka1 week ago

Goobaha Ganacsiga Ee Magaalada Jowhar Maanta Xiran.

Wararka1 week ago

Madaxweyne Deni Oo Guddi magacaabay

Wararka5 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi5 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi6 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka5 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka4 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka5 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka5 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi6 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka4 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka4 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English5 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Wararka4 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Muuqaalo6 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English4 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English5 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English4 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English4 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada4 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada4 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

Warbixinada4 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

News In English4 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco