Maxkamad ku taallo dalka Mareykanka ayaa xukun ku riday nin Somali ah oo lagu helay dambi ah inuu taageeraayay Ururka Shabaab ee Somaliya ka dagaalama.
Maxkamada ayaa xukun ku riday Mahdi Xaashi oo 26-sano jir ah kuna dhashay dalka Somaliya, waxaa Maxkamada New York ay ku xukuntay sagaal sano ee xabsi ah.
Bishii May ee sanadkii hore ayuu Mahdi wuxuu Maxkamada Brooklyn, New York ka hor qirtay inuu taageero u fidiyay Shabaabka, iyadoo shalay oo Jimco ahey maxkamada ay xukunka ku riday.
Mahdi Xaashi waxaa la qabtay sannadkii 2012-ka waxaana lagu qabtay Bariga Afrika kadibna waxaa loo wareejiyey dalka Maraykanka.
Dacwad-oogista ayaa sheegtay inuu wadashaqayn la lahaa Cumar Xamaami iyo kooxda u dhalatay Maraykanka ee uu hoggaamin jiray, Xamaami waxa uu ka mid ahaa mintidiinta ay Maraykanku sida weyn u doonayeen ilaa intii uu ku dhintay weerar ay ku qaadday ururka Al-Shabaab.
Cumar Xaami, ayaa sidoo kale Shabaab waxaa looga dhex yaqiinay Abuu Mansuur Al-Amriiki, wuxuuna Asal ahaan ka soo jeeda dalka Mareykanka.
Mahdi ayaa ku noolaa dalka UK, balse markii Bariga Afrika lagu qabtay ayaa kiiskiisa loo wareejiyay dalka Mareykanka, si halkaasi loogu xukumo.