Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida, ayaa maanta oo Khamiis ah waxa ay xukun ku riday lix ruux oo loo haystay inay ka dambeeyeen dilkii loo geystay Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo Sanadkii la soo dhaafay Bishii December lagu dilay Qarax gaarigeeda lagu xiray.
Dadka Kiiskaan loo haystay, ayaa tiradooda gaaraysa Lix ruux, waxaana dhamaantood la horkeenay Maxkamada Ciidamada Qalabka sida si xukunada mid waliba uu muteestay maxkamada ay ugu dhawaaqdo, maadaama la soo dhageystay eedeymaha loo haystay raggaan.
Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday lixdaan eedeysane ee loo haystay Dilka Wariye Hindiyo Xaaji Maxamed.
1: C/risaaq Maxamed Baroow Cadoow 28 jir ina Saynab Maxamed Maxamuud ku dhashay Xamar, waxa uu qirtay inuu gaarigii Wariye Hindiyo Xaaji Maxamed ku xiray Waxyaabaha Qarxa, maxkamadana waxa ay ku xukuntay dil toogasho ah.
2:Xasan Nuur Cali Faarax 37 jir ah Ina Faadumo Xasan ku dhashay Xamar, waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in.
3: Macalin Maxamed Abuukar Cali 42 jir Ina Faadumo Cabdulle ku dhashay Shabeellaha Dhexe , waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in..
4: Macalin Maxamed Sheekh Yuusuf Wardheere 56 jir ah Ina Awliyo Xasan ku dhashay Mudug, waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in..
5: Muxudiin Cismaan Maxamed Cawaale 22 jir ah Ina Nasro Xaaji Shidane ku dhashay Xamar, waxaa lagu xukumay Shan Sano oo Xabsi ciidan ah.
6: Cali Xasan Aadan 40 jir ah Ina Rooble Jinoow ku dhashay Ethiopia, waxaa lagu xukumay Shan Sano oo xabsi ciidan ah.
Ehelada Marxuumad Wariye Hindiyo Xaaji, ayaa soo dhaweeyay tallaabada Maxkamada ciidamada Qalabka sida ay ku xukuntay dadkaan loo haystay Kiiska Dilka Wariye Hindiyo.