Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Somaliya, ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday dadkii loo haystay in ay ka dambeeyeen weerarkii 2-dii bishii February lagu qaaday mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda Daallo Airlines, iyadoo dhanka kalana ay Maxkamaddu sii deysay dad lagu waayay wax dembiyo ah.
Xasan Nuur Cali (Shuute), Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad Ee Ciidamada Qalabka Sida, ayaa xukun xabsi daa’in ah ku riday C/weli Maxmuud Macow iyo Careys Xaashi Cabdi, oo goobta maxkamadaynta ka maqnaa.
C/weli Maxamuud Macow oo ahaa madaxii amniga ee hay’adda duulista iyo saadasha hawada ee garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, uu mas’uul ka ahaa diyaarinta waxyaabihii lagu qarxiyay diyaaradda Daallo Airlines.
Gudoomiyaha, ayaa ku dhawaaqay in Careys Xaashi Cabdi uu ahaa ninkii maalgeliyay weerarka lagu qaaday diyaaradda, uuna yahay gacantii 1-aad ee soo abaabushay weerarkaasi.
Sidoo kale, Abshir Maxamed Macalin Axmed iyo Safiya C/laahi Xasan Cali waxay Maxkamaddu ku xukuntay afar sano oo xabsi ciidan ah, halka Liibaan Maxamed Yalaxow, Cumar Muxudiin Xuseen (Qoorey) iyo Maxamed Cabdi Cilmi ay ku riday xukun min hal sano oo xabsi ciidan ah.
Maxkamadda waxaa ay xukun min lix bilood oo xabsi ciidan ah ku riday dadka kala ah, Bashiir C/laahi Afrax, Cali Nuur Salaad Diiriye iyo Aadan Daahir Diiriye.
Maxkamaddu waxay wax dembi ihi ku weysay dadka kala ah: Cumar Macalin Calasow, Cali Maxamuud C/raxmaan, C/laahi C/qaadir Abuukar, Ismaaciil Maxamed Xirse iyo Faarax Khaliif Cali Maxamed.









