Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Duleedka Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan, labo ruux ayaa lagu gowracay Deegaanka Xujuub oo ku yaallo Duleedka Magaaladaasi.
Labadan ruux ee la gowracay, ayaa la sheegayaa inay yihiin dadka Deegaanka, balse xalay halkaasi lagu gowracay oo saaka markii dadka ay soo tooseen ay arkeen maydadka labada ruux ee la gowracay.
Qaar ka mid ah Dadka Deegaanka Xujuub oo dhacdadaan Warbaahinta u xaqiijiyay ayaa sheegay inay dareemeen cabsi iyo walaac xoogan oo ku aadan labada nin ee Deegaanka lagu gowracay, iyaga oo sheegay inaysan garan karin cida ka dambeysa falkaan gowraca ah ee loo geystay labadaasi nin.
Deegaanka Dhacdadaan ay ka dhacday, ayaa la sheegay in maalmihii dambe ay ka taagneyd xiisad u dhaxeysa Al Shabaab iyo Dad Xoolo Dhaqato ah oo halkaasi ku nool.
Ilaa hada Dadka ma garanayaan cida falkaan ka dambeysay, balse dadka qaar ayaa sheegaya inay suuragal tahay Shabaab inay geysteen falkaan, iyaga oo kaga gol leh cabsi gelinta dadka Deegaanka.
Falka Gowracida ayaa waxaa looga bartay inay sameeyaan Ururka Al Shabaab oo inta badan ku sameeya falkaan dadka Dowladda la shaqeeya iyo Askarta Dowladda, xilliyada ay gacanta ku dhigaan.
Maamulka Degmada Baledweyne iyo kan Gobolka Hiiraan weli kama aysan hadlin amuurtaan ka dhacday Gobolkaasi Hiiraan.