Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyn ayaa sheegaya inay ka socoto qaban qaabada aaska Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo shalay u geeriyooday xanuun wadnaha ah, iyadoo Guddi loo saaray qaban qaabada aaskiisa ay ka arinsanayaan qaabka uu u dhacayo aaska.
Sida ay sheegayana wararka Wafuud kala duwan oo ka socota dowladda Soomaaliya, odayaal dhaqameedyo, waxgarad, culumaa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku qul qulaya magaalada Beledweyn aaska Ugaaska.
Warar aanu ka heleyno magaalada Beledweyn ayaa sheegaya in Ugaaska lagu wado in lagu aaso inta u dhaxeysa Beledweyn iyo Buulo Burde, gaar ahaan deegaanka Daaro-Ugaas oo ku dhow Halgan, halkaasoo horay loogu aasay illaa 17 oday dhaqameedyo caan ka ahaa Hiiraan oo ugu dambeeyay Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.
Dadka reer Beledweyn ayaa tan iyo xalay hadal hayay aaska Ugaaska, maadaama deegaanka lagu wado in lagu aaso ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, isla markaana aan la ogeyn sida ay ku suura geli karto.
Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed oo Guddoomiye u ah Guddiga qaban qaabada aaska loo sameynayo Ugaas C/raxmaan ayaa kulamo is daba joog ah lahaayeen tan iyo xalay, iyadoo la filayo in saacadaha soo socda ay ku dhawaaqaan xilliga uu dhacayo aaskiisa.
Deegaanka Daaro-Ugaas ayaa dhaqan ahaan lagu aasi jiray Ugaasyadii soo maray Beesha Xawaadle, waxaana ugu dambeeyay aabaha dhalay Ugaas C/raxmaan oo sanadkii 2001 lagu aasay isla deegaankaas.