Waxaa maanta Magaalada Baydhabo gaaray wafdi ballaaran oo uu horkacaayo Amb. Michael Keating, Wakiilka Qaramada Midoobe ee u qaabilsan arrimaha Somaliya.
Wakiilka iyo wafdigiisa oo barqanimadii maanta ka dhoofay Garoonka Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Baydhabo, iyadoona daqiiqado ka dib loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada.
Wafdiga Wakiilka, ayaa waxaa Madaxtooyada Baydhabo ku soo dhaweeyay xubno uu ka mid yahay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Dhinacyadan, ayaa waxay hadda shir xasaasi ah ku leeyihiin Madaxtooyada, waxayna ka wada hadlayaan arrimo ay ugu muhiimsan yihiin ammaanka, hawlgalada ka dhanka ah Al Shabaab, doorashada sanadkan lagu wado inay ka qabsoomto dalka iyo saami qaybsiga Aqalka Sare Baarlamaanka, oo Maamulka Koonfur Galbeed uu saluugsan yahay.
Wafdiga Michael Keating, ayaa waxay sidoo kale la kulmi doonaan Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka, Aqoonyahanada iyo qaybaha kale ee bulsahda, si ay kaga dhageystaan aragtidooda la xiriirta doorashada sanadkan 2016-ka ka dhaceysa Somaliya.
Danjire Keating iyo xubnaha kale ee la socdo, ayaa inta ay ku sugan yihiin Xarunta Gobolka Baay waxaa suurtagal ah inay kormeeraan Xarunta Taliska Amisom uu ku leeyahay Magaalada Baydhabo.
Waa booqashadii ugu horeysay oo Mr. Keating uu ku taggo Magaaladaasi Baydhabo, tan iyo markii uu xilka kala wareegay Nicholas Kay, dhamaadkii bishii December.








