Mid ka mid ah Ciidamada Jabuuti ee degan Magaalada Baledweyne, ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii waxa uu laba askari uu ku dilay Xerada Ceeljaale oo 3km u jirta Xarunta Gobolka Hiiraan.
Askarigan oo tuhun laga muujinayo in madaxa looga jaray, ayaa rasaas xoogan oodda kaga qaaday Ciidamadii Jabuuti ee Xeradaasi kula sugnaa, waxaana la xaqiijiyay in laba ka mid ihi uu dilay, halka laba kalana uu dhaawacay.
Wararka qaar waxay sheegayaan in askarigaasi la dilay, halka warar kalana ay sheegayan in isaga uu is toogtay, ka hor intii aynaan dilin Ciidamadii kale ee wehlinaayay Xerada Ceeljaale.
Dhinaca kale waxaa soo baxaaya warar aan weli si sax ah loo xaqiijin oo sheegaya in dhakhtar Itoobiyaan ahaa oo ku sugnaa Xeradaasi, in isagana uu ku dhintay rasaastii uu furay askarigaasi.
Magaalada Baledweyne, ayaa waxaa si weyn looga hadalhayaa toogashada ka dhacday Xerada Ceeljaale, iyadoo dhinaca kalana aanay weli wax tafaasiil ah ka bixin Saraakiisha Ciidamada Jabuuti.
Dhacdadan waxay noqotay nooceedii ugu horeysay oo ka dhex dhacda Xeryaha Ciidanka Jabuuti ku lee yihiin Gobolka Hiiraan, tan iyo markii ay hawlka Amisom ku soo biiraan bishii December ee sanadkii 2011-ka.