Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Somaliya, ayaa waxay Ururka Midowga Yurub ku gacanseyrtay joojinta fulinta xukunada dilalka, ka dib markii ay sheegeen in Maxkamaddu qaado kiisaska dadka rayidka ah.
Midowga Yurub, ayaa Dowladda Somaliya iyo Maamul Goboleedyada ugu baaqay in la joojiyo fulinta xukunada dilalka, iyagoo sheegay inay tani bilow u tahay tallaabada Somaliya looga joojinayo fulinta xukunadaasi. Xukunadan waxay ku sheegen wax ka dhan ah nolosha bani’aadamka iyo sharafkiisa.
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Sida, Liibaan Cali Yarow, ayaa waxa uu beeniyay in Maxkamaddu ay qaado kiisaska rayidka ah, isla-markaana ay qaado oo qura kiisaska Ciidamada Qalabka Sida Somaliya iyo Shabaabka.
Gudoomiyaha waxa kaloo uu beeniyay in Maxkamadda ay sanadkan oo qura ay fulisay 29 kiisas oo xukuno dil toogasho ah, wuxuuna xusay intii Maxkamadda ay jirtayba aan la dilin tirada intaa le’eg.
Sidoo kale waxa uu si xoogan u beeniyay in racfaanka loo diido dadka marka ay xukunto Maxkamadda, isla-markaana ay Maxkamaddu dadku u ogoshahay inay racfaan ka qaataan xukunada.
Isagoo la hadlaayay Laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa wuxuu diiday in Shabaab loogu yeero inay shacab yihiin, bacdamaa sida uu sheegay ay dareys ciidan xiran yihiin, isla-markaana ay hubka wataan.
Liibaan Cali Yarow wuxuu muujiyay inaanay Somaliya diyaar u ahayn joojinta xukunadaasi, maadaama ay xukunada dilalka waafaqsan yihiin xeerka ciqaabta Somaliyeed.
Midowga Yurub waxa uu ka digay in la dedejiyo xukunada dilalka ah ay fulinayso Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, isla-markaana uu soo jeedinayo in dadkaasi la siiyo fursado ay racfaan kaga qaadan karayan xukunadaasi.