Guddoonka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saaka si rasmi ah Maxkamadda sare ee dalka u gudbiyay mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha, kaasoo 12-kii bishii hore ay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ka keeneen.
Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso StarFm ayaa sheegaya in Guddoonka uu go’aan ku gaaray in mooshinka loo gudbiyo Madaxweynaha, kadib markii muddo labaatan cisho uu la yaallay, waxaana arrinta gudbinta Maxkamadda sare ay khilaaf ka dhex dhalisay Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.
Kulan muddo saacado badan qaatay oo xalay Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka yeesheen ayaa lagu kala kacay, waxaana ilo wareedyo ku dhow dhow Guddoonka ay xaqiijiyeen in Madaxweynuhu aanu markii hore raali ka aheyn in Guddoonka qabto mooshinka, isla markaana uu saluugsanaa in Maxkamadda loo gudbiyo.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa kulankii Madaxweynaha ay ku kala tageen kadib waxay la kulmeen Xildhibaanadii mooshinka keenay, iyagoo ka wada hadlay qaabka suurta galka ah ee arrintan loo maareyn karo, kadib markii mudadii uu Guddoonka uu hor-yaallay mooshinka xal la gaari waayay.
Inkastoo Maxkamadda sare aanay si rasmi ah u shaacin in mooshinka ka dhanka ah ee eedeymaha culus ku xusnaa ay qabatay iyo in kale, hadana Guddoonka Baarlamaanka doonayay in maadaama aanay Maxkamad Dastuuri ah jirin in mooshinka loo gudbiyo Maxkamadda sare ee dalka, si ay go’aan uga gaarto.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Guddoonka Baarlamaanka uu doonayo in arrinta mooshinka xal looga gaaro banaanka Baarlamaanka, si aanay hadhow u dhicin buuq iyo qalalaase, waxaana uu doonayaa in arrintan si mideysan uga hadlaan labada dhinac.
Dhinaca kale kadib markii ay soo baxday in Guddoonka Baarlamaanka u gudbiyay Maxkamadda sare mooshinka Madaxweynaha ayaa waxaa maanta Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa kuxigeen kulamo aan dhamaad laheyn la lahaayeen Xildhibaanada, Wasiirada iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka.
Kulamadan ayaa ahaa kuwo looga hadlayay waxyaabihii ku soo kordhay mooshinka oo hada u muuqda in marxalad cusub oo ka duwan tii hore uu galayo, iyadoo Xildhibaano ka badan 100 Xildhibaan ay habeen hore u gudbiyeen Guddoonka mooshin talo soo jeedin ah oo lagu laalayo mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha.
Si kastaba ha ahaatee arrinta cusub ee ku soo korortay mooshinka Madaxweynaha ayaa loo arkaa inay xiisad cusub oo siyaasadeed ay keeneyso, iyadoo horay walaac looga muujiyay xiisadaha siyaasadeed ee uu dalku galay tan iyo markii Guddoonka Baarlamaanka loo gudbiFyay Mooshinka xil ka qaadida Madaxweynaha.