Waxaa xabsi ku yaala magaalada Jeddah ee Wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ku geeriyooday muwaadin Soomaaliyeed oo mudo halkaasi ku xirnaa.
Muwaadinkaani ayaa la sheegayaa in geeridiisa ay soo dadajisay dayacnaan dhanka daryeelkiisa caafimaad iyo tan guudba, waxa ayna Saraakiisha Xabsiga kusoo baraarugeen Muwaadinkaasi oo meyd ah saacado un kadib.
Muwaadinkaasi geeriyooday ayaa xabsiga ku jiray dhowr bil, waxa ayna Soomaalida dalkaasi joogta kusoo waramayaan in muwaadinkaasi uu u xirnaa kaliya arin la xiriirta sharciga, waxa ayna sheegen in laga qariyay geeridiisa balse ay waqti danbe ogaaden.
Xabsiyada dalka Sacuudiga ayaa waxaa ka buuxa boqolaal Soomaali ah kuwaasi oo isugu jira Rag, Dumar iyo Carruur ay wataan haweenkaasi xiran, mana jirto cid si gaar ah ugu dacwooto Soomaalida.
Soomaalida xiran ayaa ah kuwo ku eedeysan sharci la’aan, waxaana qaarkood laga mamnuucaa in dalkooda loosoo musaafuriyo, halka qaarna musaafurintooda ay Dowlada Sacuudiga lasoo degdegto.
Axmed Maxamed Xaaji Cali oo kamid ah Soomaalida dalkaasi ku nool ayaa sheegay in Somaalida ku xiran xabsigaasi ay isugu jiraan 300 oo rag ah, saddex boqol oo dumar iyo 100 kale oo carruur ah.
Axmed, ayaa dareen xun ka muujiyay xaalada nololeed ee Soomaalidaasi waxa uuna cod dheer ku sheegay inaysan jirin cid iska xilsaartay Soomaalida xiran.
Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadal muwaadinka kaga dhintay Xabsiga.