Ciidamada Nabad Suggida Somaliya oo howlgal ka sameeyay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho xalay, ayaa la sheegay inay gacanta ku soo dhigeen gaari ay saaran yihiin waxyaabaha Qarxa iyo hub.
Ciidamada ayaa gaarigaan ka soo qabtay Hotel lagu magacaabo Cimraan oo ku yaalo gudaha Suuqa Bakaaraha, waxaana lala soo qabtay gaariga dadkii watay iyo dad kale oo la tuhmaayo.
Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha C/kaamil Macalin Shukri ayaa Saxaafadda u sheegay xogo dhanka Sirdoonka ah oo ay heleen ciidamada inay ugu suuragashay in gacanta lagu soo dhigo gaarigaasi.
Waxa uu sheegay Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha gaarigaan oo taarikadiisa ay tahay (AA9849) in lagu diyaariyay qaraxyo la doonaayay in lagu dhibaateeyo shacabka Somaliyed.
“Howlgalkaan wuxuu yahay walaal, kadib markii warbixino laga helay Hotel ku yaalo Suuqa Bakaaraha oo lagu magacaabo Cimraan inuu yaalo gaari waxyaabaha qarxa iyo hub ay saaran yihiin, gaarigaasi taarikadiisa waa AA9849 ciidamada ayaana u suuragashay inay si nabad ah ku soo qabtaan gaarigaasi iyo dad lagu tuhmaayo.” Ayuu yiri Afhayeenka Wasaarada Amniga.
Howlgalkaan lagu soo qabtay gaarigaan waxyaabaha qarxa iyo hubka ay ku jireen ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay Magaalada Muqdisho meel ku dhaw Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde uu ka dhacay labo weerar oo Ismiidaamin ah oo Shabaab ay ka dambeeyen.
Muddooyinkii dambe Nabad Suggida Somaliya ayaa sheegaysay inay gacanta ku soo dhigtay gawaari Shabaab ay doonayeen inay ku qarxiyaan caasimada Muqdisho.

