Xoogaga Hay’adda Nabad Suggida Ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa gacanta ku soo dhigay laba nin oo mid ka mid ah la tuhunsan yahay in uu dilay Allaha u naxariistee Faysal Baxuur, oo ka mid ahaa dhalinyarada sida weyn looga garanayo Magaalada Jowhar.
Ninkan dhalinyarada ah, ayaa ka tirsanaa ganacsatada qaadka ee Magaalada Jowhar, wuxuuna qaadka uu mooto ku gayn jiray duleedka Magaalada, lamana garanayo cidda dhabta ah ee dishay.
Faysal Baxuur, ayaa gelinkii dambe ee Isniintii lagu dilay duleedka Magaalada Jowhar, xilli uu watay dhug dhugley/mooto, isla-markaana uu ku soo sii jeeday Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.
Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida Gobolka Shabellaha Dhexe, C/weli Ibraahim Maxamed, ayaa xaqiijiyay labadaasi nin inay ka soo qabteen Deegaanka Geeda Bargaan ee duleedka Magaalada Jowhar.
Taliyaha, ayaa sheegay in labadaasi nin ay iyagu isu cadeeyen fal dembiyeedkaasi, isla-markaana ay ku xiran yihiin Saldhiga Booliska Jowhar, cadaaladana la horkeeni doono, sida uu yiri.
Shacabka reer Jowhar, ayaa soo dhaweeyay tallaabada lagu soo qabtay labadaasi nin, oo midkood la rumeysan yahay in rasaasta nool nool uu huwiyay marxuumka.