Nala soo xiriir

Warbixinada

Nin Hubaysan Oo Saddex Ruux Ku Dhaawacay Tareen Dhaxdiisa

La Qoray

on

Nin hubaysan ayaa rasaas ku furay dad Rakaab ahaa oo saarnaa tareen kasoo baxay dalka Faransiiska una socday Magaalada Amsterdam ee dalka Holland.

Ninkaan hubaysan oo rasaas ku furay dadkii saarnaa tareenka, ayaa dhaawacay saddex ruux oo Rakaabka ka mid ahaa, kadibna waxaa ninkaan qabtay ciidamo ka tirsan kuwa Mareykanka oo saarnaa Tareenka, balse xilligaasi fasax ku jiray.

Waxaa la sheegayaa ninkaan inuu u dhashay dalka Morocco, da’diisa waxaa lagu sheegay 26-sano jir, wuxuuna ku hubeysnaa Qori iyo sidoo kale tooreey, isaga oo ka mid ahaa dadkii tareenka saarnaa.

Labada nin ee Mareykanka wuu dhaawacay laakiin waxa ay ku guuleysteen inay u dhawaadaan ayna gacanta ku dhigaan markii tareenka uu gaaray deeganka Arras ee waqooyi Bari Faransiiska.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama, ayaa hambalyo u diray labadaasi Askari oo sheegay inay yihiin geesiyaal ka hortag fal lagu layn lahaa dad shacab ah.

Booliska, ayaa ku howlan baaris ay ku wadaan ninka dadka shacabka ku dhex rasaaseeyay tareenka, iyadoo Wasiirka Arimaha gudaha dalka Faransiiska uu dhacdadaan ku tilmaamay masiibo.

Faransiiska horay waxaa uga dhacay toogashooyin kala duwan oo qaarkood sidaan oo kale tareen uga dhex-dhacday.

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Booliska Australia Oo Baadi Goobaya Muwaadin Soomaaliyed Oo Dil Ka Geystay Dalkaasi.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Booliska dalkaasi ayaa soo saaray Warqaddii lagu soo qaban lahaa Ninkaasi oo lagu magacaabo C/qaadir Faarax, kaasi oo lagu eedeynayo inuu Marxuum la oran jirey C/llaahi Maxamed Cigaal ku dilay dalkaasi sannadkii 2015-kii.

Hadal-qoraal oo ay Boliska Australia soo saareen ayey ku sheegeen inuusan jirin Heshiis ay Dowladaha Somalia iyo Australia horey isugu raaceen in Dembiilayaasha la isku soo celin karo.
Eedeysanaha la raadinayo ayaa la sheegay inuu dalka Australia ka soo baxsaday markii uu dilkaasi geystay, isla markaana uu haatan ku sugan gudaha Somalia, inkastoo aysan Boliska si rasmi ah u caddeynin magaalladda uu kaga sugan dalka Somalia.

Boliska Australia waxay sheegeen inuu C/qaadir Faarax ka soo dhoofay Garoonka Caalamiga ee magaalladda PERTH, isagoo Transit ku soo maray Dubai, ka hor inta uusan ku soo laabanin Somalia.
Dhinaca kale, Maydka Marxuumka la dilay ee C/llaahi Maxamed Cigaal oo 25-jir ahaa waxaa maydkiisa la helay bishii October ee sannadkii 2015-kii, 5 bilood kadib, markii la waayey Eedeysanaha dilka geystay.

sii aqri

Warbixinada

Masjidka Xaramka Ayaa Waxa Ku Soo Jabay Washiir Shaqo Kawaday Masjidka

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Saraakiisha Mamulka magaalladda Maka Al-mukarama ee dalka Sacuudiga ayaa sheegay inuu Wiish nooca guur-guura soo jabay kuna habsaday goob uu dhismo ka socday Masjidka weyn ee Maka, iyadoo Dareewalkii Wiishkaasi uu soo gaaray dhaawac fudud.

Twitter-ka Telefishinka Al-Ekhbaariya waxa uu ka soo xigtay Sarkaal ku sugan Maka Al-mukarama inaysan waxyeello soo gaarin dadkii ku cibaadaysanayey Masjidka Xaramka.

Goobta uu dhismuhu ka socdo ee Masjidka Xaramka ayaan weli loo furin dadka Cibaadaysana, kuwa Cumradda iyo dadka kale ee u soo cibaada taga Masjidka weyn ee Xaramka ee magaalladda Maka Al-mukarama.

Sawiro laga soo qaaday goobta uu ka dhacay Shulka, ayaa muujinaya inuu Wiishku ku dhacay meel uu dhismo ka socday, oo uusan ku dhicin meel ay dadkii cibaadaysanayey joogeen

sii aqri

Warbixinada

Trump ayaa ku dhowaaqay in dowladiisu ay ka baxday heshiis lala galay sanadkii 2015 wadanka Iran

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay in dowladiisu ay ka baxday heshiis lala galay sanadkii 2015 wadanka Iran kaasoo ku saabsanaa horumarinta barnaamijka Niyukliyerka.

Trump ayaa saxiixay ka bixitaan heshiiskan waxana uu sheegay in cunoqabatayn xoog leh uu ku soo rogayo dalka Iran.

Shir jaraa’id oo goor dhow qabtay ayuu Madaxweynaha Maraykanka waxa uu ku eedeeyay dowlada Iran inay gacan siiso kooxaha argagaxisada ah isagoo tusaale u soo qaatay kooxaha Xamaas,Daalibaan iyo Alqaacida.

Dowlada Maraykanka ayaa hore loogu baaqay inaysan ka bixin heshiiskan lala galay dalka Iran,hase yeeshee baaqyadaas ayaa guuldareystey kadib markii uu Madaxweyne Trump ku dhowaaqay in dowladiisu ay ka baxday heshiiska.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in haddii heshiiskan uu sii socdo wadan walba oo ku yaal bariga dhexe waxa uu tartan u galayaa in uu sameysto hub niyukliyer ah.

Madaxweynaha Iran Ruuxaani ayaa si dhaqso ah uga jawaabay warka ka soo baxay Madaxweynaha Maraykanka waxana uu ku tilmaamay ka bixitaanka heshiiska mid aan sharci ku fadhin oo xaaraan ah isla markaana carqaladaynaya heshiisyada caalamiga ah.

Madaxweyne Ruuxaani ayaa sheegay in dalkiisu uu ilaaliyo heshiisyada uu galo balse Maraykanka uu ka baxo heshiisyada uu galo.

Qorshahan dhamaystiran ee heshiiska ayaa waxaa isku raacay oo saxiixay dowladda Iiraan iyo 5 dal ee xubnaha joogatada ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Wadamadan ayaa kala ah Mareykanka , UK, Faransiiska, Shiinaha,Jarmalka iyo Ruushka. Heshiiskani barnaamijka Niyukleerka ee iiraan iyo wadamada quwadaha waawayn loo yaqaanaa (P5+1).

Heshiiskaasi waxaa qeyb ka ahaa in Iiran ay aqbashay inay yareyso keydkeeda macdanta bacriminta Yureeniyaamta oo loo isticmaali kara in hub niykliyeer ah laga sameeyo. Xadiditaankaasi ayaa lagu heshiiyay inuu socdo muddo 15 sano ah.

Heshiiska ayaa waxaa lagu taageeray qaraarkii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa 2231, waxaana dhaqangalinta heshiiskani uu bilaabamay bishii January 2016, ka dib markii ay hay’ada caalamiga ah ee ka hortaga hubka Atoomikada ay xaqiijiso in Iiraan ay fulisay balanqaadka.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
News In English2 weeks ago

Somali Police Chief Meets British Ambassador To Somalia.

Wararka2 weeks ago

Shirkii Baarlamaanka Maanta Oo Fowdo ku Soo Dhamaaday.

Wararka2 weeks ago

Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Shir Gaar Ah Goor Dhow U Furmay Muqdisho.

Wararka2 weeks ago

Tallaalka Covid19 Oo Kabilaawaday Maamulka Puntland.

Wararka2 weeks ago

Dowladda Ingiriiska Oo Ka Digtay Doorasho Hal Dhinac Iyo Muddo Kororsi

Wararka2 weeks ago

AMISOM Oo Ka Guuray Degmada Afgooye Ee Gobalka Shabeelada Hoose(SAWIRRO)

Wararka3 weeks ago

Wasiirkii Amniga Jubaland oo lagu soo Dhaweeyay Degmada Beled-Xaawo.

Wararka3 weeks ago

Beesha Caalamka Oo Shaacisay In Aysan Taageeri Doonin Doorasho Hal Dhinac Ah.

Wararka3 weeks ago

Khasaaro Ka Dhashay Qarax Lala Eegtay Gaari Ay Saarnaayen Dad Shacab Ah

Wararka3 weeks ago

Qodobada ay Ku Heshiiyeen Cabdirashiid Janan & Dowladda Soomaaliya oo la Doo Bandhigay

Wararka3 weeks ago

Wafdi Wasiiro Ah Oo Ka Socda Dowladda Federaalka Oo Gaaray Doolow.

Wararka3 weeks ago

Taliyaha Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliyeed oo ku sii jeeda Gedo

Wararka3 weeks ago

Cabdirashiid Janan Oo Xaqiijiyay in uu la Heshiiyay Dowladda Soomaaliya.

Wararka3 weeks ago

Weerar Askar lagu Dilay oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka3 weeks ago

Midowga Yurub Oo Farriin u Diray Hoggaamiyeyaasha Siyaasada Soomaalida.

Wararka3 weeks ago

Maraykanka Oo Ku Baaqay in Shirka Doorashooyinka si Buuxda looga Qeybgalo.

Wararka3 weeks ago

Wafdi Ka Socda Dowladda Talyaaniga Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho.

Wararka3 weeks ago

Madaxda Dawlada iyo Kuwa Dawlada Gobaleedyada oo Warbixin ka Dhageystay Guddiga farsamada Doorashooyinka.

Wararka3 weeks ago

Wasiirda Arimaha Dibada Soomaaliya iyo Masar Ayaa Kulan Yeeshay.

Wararka3 weeks ago

Shir Horudhac ah oo ka furmay Xerada Afisiyooni Ee Magaalada Muqdisho.

Wararka3 weeks ago

Ciidamada NISA Ayaa Howgal Kawada Magaalada Beled-Xaawo.

Wararka3 weeks ago

Waxaa Walii Socda Qaban Qaabada Shirka Muqdisho.

Wararka3 weeks ago

Wasiirka Warfaafinta oo Ka Jawaabay Hadalkii Saciid Deni.

Wararka5 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi5 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi5 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka5 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka4 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka5 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka5 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi5 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka3 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka3 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English5 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

Wararka3 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Muuqaalo6 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English3 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English5 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English3 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English3 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada3 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada3 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

Warbixinada3 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

News In English3 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco