Booliska Kenya, ayaa xabsiga u taxaabay saddex nin oo middi uu yahay Somali British, xilli ka amba baxeen Magaalada Mombasa, kuna wajahnayen Magaalada Nairobi Ee Xarunta Wadanka Kenya.
Raggan, ayaa la qabtay xilli ay gaari gaar ah ku safrayen. Laamaha ammaanka Kenya, ayaa su’aalo weydiinaaya raggaasi, xilli uu jiro tuhun ka dhan ah inay xiriir la lee yihiin Ururka Al Shabaab.
Ali Abubakar Ahmed waa nin Somali ah oo haysta basaboorka Britain, iyadoo basaboorkiisu uu muujinaayo inuu u socdaalay dalalka Somaliya, Tanzania iyo Yemen.
Sarkaal Booliska Mombasa u hadlay oo lagu magacaabo David Kerina, ayaa sheegay inay xiriir la sameeyen Dowladda Britain, si loo aqoonsado taariikhda ninkaasi, haddii ay ka shakisan yihiin.
Sarkaalkan, ayaa labada nin ee lala soo xiray ninka Somaliga ah waxa uu magacyadoodu uu ku kala sheegay Michael Koech Koskey iyo Moses Tedi Mbigi. Labadan nin ayaa u dhashay dalka Kenya.
David Kerina oo la hadlay Wakaaladda Wararka Xinhua, ayaa sheegay Saraakiisha Kenya inay aaminsan yihiin raggaasi inay qorsheynayen weeraro taxana ah, oo ay Gobolka ka gaystaan, sida uu yiri.
Sidoo kale waxa uu sheegay in la bilaabay baaritaano ka dhan ah saddexdaasi nin, si dacwad loogu soo ooggo, haddii ay ku cadaato inay wax xiriir ah la lee yihiin waxa uu ugu yeeray argagaxisada.
“Waxaan bilownay baaris dembi lagu soo ooggaayo, haddii ay wax xiriir ah la yeeshaan argagaxisada. La tuhunsanayaasha taariikhdooda waala qoray, baarayaal ayaana su’aalo weydiiyay.” Ayuu yiri Kerina.
Dalka Kenya, ayaa waxaa horey loogu xir xiray muwaadiniin Somaliyeed oo haystay basaboorada dalalka horumaray, waxaana sababta loo beegsaday lagu sheegay, iyadoo looga shakiyay Shabaab.