Madaxweynaha dalka Mareynkanka ayaa Kulan xasaasi ah xarunta Midowga Africa ee ku taalo magaalada Adis-ababa kula yeelanaya Hogaamiyaasha dhowr wadanka oo ka tirsan Qaarada Africa,waxaana ka qeyb galeysa Haweeneyda gudoomiyaha u ah Midowga Africa.
Sida Saraakiil ka tirsan aqal cad ay sheegeen Kulanka oo socon doona mudo 90-daqiiqo ah,ayaa diirada lagu saari doonaa arimo la xiriira dhanka qaarada Africa,sida xaalada Koonfurta Suudaan,arimaha xuquuqul insaanka iyo waliba la dagaalanka argagixisada bariga Africa.
Sido kale,wararka laga helayo Kulanka qaar ka mid ah Hogaamiyaasha Africa iyo madaxweynaha Mareynkanka isugu imaanayaan xarunta Midowga Africa ee Adis-ababa ayaa looga hadli doonaa xaalada bini-adanimo ee ka jirta dalal Soomaaliya ay ka mid tahay.
Mareynkanka ayaa raadinaya sida ugu fudud ee looga adkaan karo ururka Al-shabaab oo xiriir la leh ururweynaha Al-Qaa’ida,kuwaasi oo weeraro xiriir ah ka geystay Soomaaliya iyo qeybo ka mid ah dalalka deriska ah.
Afhayeenka Golaha amaanka Qaranka Ned Price,ayaa sheegay in weerarada Shabaabka wali ka sii socdaan Soomaaliya,kuna beegsanayaan dadka Shacabka,sida uu hadalka u dhigay.
Obama oo kulanka ay isku arki doonaan madaxweynayaasha dalalka Uganda iyo Kenya oo ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya ayaa kala hadi doona arimaha Soomaaliya iyo sidii xukuumada Soomaaliya looga caawin lahaa dagaalka Al-shabaab
Maalintii shalay ahayd,ayaa ururka Al-shabaab waxaa weerar loo adeegsaday gaari xamuul ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ku qaadeen Hotelka Jaziira oo ku dhow Garoonka diyaraadaha kaasi oo ay degan yihiin Safaarado ajaaniib ah.
Ugu yaraan 15-ruux oo u badnaa dad rayid ah ayaa ku geeriyooday weerarkii Hotel Jaziira.