Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobolka Galgaduud, ayaa sii daayay 12 Oday Dhaqameed oo maalmo ka hor ay ka xireen deegaanka Ceel Qooxle oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.
Odayaashaan ayaa ciidamada Itoobiya waxa ay ugu tageen arin la xiriirta Afar ruux oo ciidamada Itoobiya ay ku dileen Deegaanka Ceel Qooxle inay bixiyaan diyadii dadkaasi, balse waxaa loogu bedelay Odayaasha in la xiro, taasi oo ku noqotay arin lama filaan ah.
Dadaal ay bixiyeen qaar ka tirsan Xildhibaanada kasoo jeeda deegaanka iyo dadka deegaanka, ayaa waxaa suuragashay in lasoo daayo 12-ka Oday ee gacanta ugu jiray Ciidamada Itoobiya.
Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa sheegay inay ku guuleysteen sii deynta Odayaashaasi u xirnaa ciidamada Itoobiya.
Waxa uu sheegay Xildhibaanka inay aad uga xun yihiin tallaabada ciidamada Itoobiya ay ku xireen Odayaashaasi Dhaqanka ee kasoo jeeda Deegaanka Ceel Qooxle oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.
Todobaadkii aan soo dhaafnay ayeey aheyd markii ciidamada Itoobiya lagu eedeeyay inay Ceel Qooxle ku dileen afar ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen macalimiin, halka labada kalena ay ahaayeen Dhalinyaro.
Ciidamada Itoobiya ayaanan si wanaagsan loola xisaabtamin, waana mida kenetay inay geystaan dilal qorsheysan oo ay u geystaan dadka shacabka ah.