Xidiga kusoo baxay hogaamiyaha Juventus Paulo Dybala ayaa ka dhawaajiyay inuu aad u jecel yahay ka garab cayaarista Lionel Messi.
Hadalka Paulo Dybala ayaa kusoo beegmayo xili kooxdiisa Juventus ay ka madax adeygeso inay xidigan tayada wanaagsan ka iibiso naadiga Barcelona xagaaga nagu soo fool leh.
Madaxa farsamada naadiga Barcelona Roberto Fernandez ayaa ku sugnaa magaalada Turin sidoo kalena daawaday kulankii ugu dambeeyay ee Juve ay 1-0 guusha kaga qaaday kooxda AS Roma.
Roberto Fernandez wuxuu qiimeyn ku sameenayay Paulo Dybala oo goolka guusha Juve u dhaliyay kulankii ay Roma la cayaareen wuxuuna masuulkan aad ula dhacay waxqabadka xidiga reer Argentina.
Paulo Dybala ayaa ka jawaab celiyay amaan dhanka Lionel Messi kaga timid bilawgii xili cayaareedkan wuxuuna yiri “Waxaan u maleenayaa waxa uu Messi iga sheegay inuu qaranka Argentina ka waday doorka aan ku yeelan karo ee Barcelona ma ahan”
“Hadafkeyga wuxuu yahay inaan Messi ka garab cayaaro ee ma doonayo inaan ka hor imaado anigoo naadi kale ka tirsan”
“Waqti xaadirkan waxaa ii muhiimsan inaan kooxdeyda Juve in badan caawiyo, weliba horyaalkii 5-aad oo xariir ah inaan u qaado ayaan doonayaa”
Dabcan kooxda Barcelona hadlka Paulo Dybala kasoo yeeray wuxuu u noqon doonaa dhiiri galin xoogan si ay Juve xidigan xagaaga nagu soo fool leh uga soo iibsadaan.