Nala soo xiriir

Wararka

Prof. Dufle oo ka hadlay khatarta ay leeyihiin cudurada ka dhasha abaaraha iyo Macluusha

La Qoray

on

Iyadoo Soomaaliya guud ahaan ay ka jiraan abaaro daran oo saameeyey dad iyo duunyo badan ayaa Dr. Cismaan Xaaji Max’uud (Dufle) oo ka tirsan dhaqaatiirta Soomaaliyeed waxaa faahfaahin ka bixiyey khatarta ay leeyihiin cudurada ka dhasha abaaraha iyo nafaqa darada.

Dr. Dufle oo sidoo kale ka mid ah xildhibaanada aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay iney jiraan cuduro badan oo ka dhasha xaaladaha abaaraha, kuwaasoo uu xusay inuu ugu horeeyo cudurka shuban biyoodka ama Daacuunka (Cholera).

“Cudurkan shuban biyoodka waxa uu fara kulul ku hayaa dadka abaaruhu ku sameeyeen illaa 11 gobol oo ay hoos tagaan 43 degmo, wuxuuna labadii bilood ee u dambeysay haleelay dad gaaraya 7,731 qof, waxaana u dhintay illaa hadda 183 qof sida lagu xusay warbixin ay soo saareen, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo Wasaarada Caafimaadka, waana xaalad aad u daran” ayuu yiri Dr. Dufle.

Waxaa uu intaa ku daray dhaqtarku in maadaama macluusha iyo abaartu ay ka jirto dalka oo dhan in cudurkan uu saameeyey dhamaan qeybaha bulshada, uusana jirin dad gaar ah oo uu ku badan yahay, isagoo xusay iney ugu sii daran yihiin caruurta da’doodu ka hooseyso shanta sano, dadka da’da ah oo rag iyo dumarba leh iyo haweenka uurka leh.

“Cudurada kale ee laga soo sheegayo gobolada ay abaaruhu ku dhufteen waxaa ka mid ah cudurka Qaarjeexa oo caruurta u badan, waxaa sidoo kale meelaha qaar laga soo sheegayaa cudurka Jadeecada oo caruur badan dhimasho u geystay, waxaana taagan runtii wax aad looga naxo iyo xaalad bani’aadamnimo oo u baahan wax ka qabasho deg deg ah” ayuu sidoo kale yiri Prof. Dufle oo saxaafada gudaha iyo dibeda qaarkood kula hadlay Muqdisho.

Mar uu ka hadlayey cudurada iyo abaaraha hadda taagan waxyaabaha ay kaga duwan yihiin kuwii dalka ka jiray sanadihii la soo dhaafay ayuu Prof. Dufle xusay iney uga duwan yihiin arrimo ay ka mid yihiin daacuunka ama shuban biyoodka hadda jira oo ka xoog badan kuwii hore iyo abaarta hadda taagan oo uu sheegay inay wada saameysay dalka oo dhan, halka sanadihii hore laga soo sheegi jiray gobolada qaar, ayna u gurmad jireen gobolada kale iyo dowlada dhexe.

Dr. Dufle oo sidoo kale ka waramayey waxyaabaha illaa hadda laga qabtay cuduradan ayuu sheegay iney jiraan dedaalo badan oo ay wadaan Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo ururka Caafimaadka WHO si loola tacaalo cuduradan balse waxa uu ku sifeeyey dedaalada socda kuwo aad u yar marka la eego baaxadda masiibada taagan.

“Ugu dambeyn waxaan ku celinayaa baaqii madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ee ahaa in heyadda samafalka, kuwa Qaramada Midoobay iyo deeq bixiyeyaasha caalamiga ah ay gargaar deg deg ah la soo gaaraan shacabka Soomaaliyeed ee la ildaran abaaraha dalka ka taagan si loo badbaadiyo dadka dhimashada qarka u saaran, waxaana ILAAHAY ka baryeynaa inuu shacabkeena ka dulqaado abaaraha iyo cudurada ku habsaday” ayuu hadalkiisa ku soo gebageebeyey Dr. Cismaan Xaaji Max’uud (Dufle).

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Xildhibaan sheegay in Muqdisho laga wado abaabulka qorshe xilka looga tuurayo Laftagareen

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan ayaa sheegay in rag Siyaasiyiin ah oo kasoo jeeda degaannada Koonfur Galbeed ay Magaalada Muqdisho ka wadaan qorsho ay ku doonayaan in xilka looga tuuro Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis (laftagareen).

Xildhibaanka oo ka hadlayay kulan ka dhacay Magaalada Baydhabo wuxuu sheegay in ciddii rabta inay meesha ka saarto Madaxweyne laftagareen markii xilkiisa uu dhamaado ay tallaabadaas qaado, balse ay ogaadaan dhibaatada ay leedahay in maamul dhisan la burburiyo sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in dadka abaabulka wada ay yihiin dad ka yimid dalka dibaddiisa, kuwaas oo aan ogeyn dhibaatada loo soo maray dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed, wuxuuna sheegay inay la dagaalami doonaan cid kasta oo isku dayda inay carqaladeeyso Maamulka Koonfur Galbeed.

Hadalka Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan ayaa kusoo aadaya xilli dalka loo doortay Madaxweyne Cusub, isla markaana uu meesha ka baxay Madaxwrynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo siweyn u taageeri jiray Maamulka Koonfur Galbeed kana qeyb qaatay doorashadii Madaxweyne Cabdi Casiis (laftagareen).

sii aqri

Wararka

Maalinta ciribtika iskufuranka haweenka oomuqdisho laguqabtay

La Qoray

on

Waxaa Qoray

munaaasabadan ay soo agaasimeen maamulka iyo howl wadeenada isbitalka keysaney ayaa aheyd mid lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee ciribtirka iskufuranka haweenka afka qalaad laguyiraahdo international day to end obstrect fistula
23 may sanadwalba aya acaalamka oo idil laga xusaa maalintan iyadoo dumar badana ay dhibaatadan laildarnyihiin dhibaatada xanuunka iskufuranka
howl wadeenada cispitalka keysaney ayaa wacyigelin dhameestiran kusoobandhigay munaasabbada taa oo loogu hortagayo dhibaatada xanuunka iskufuranka

  1. prof axmed maxem axmed taajir oo ah agaasimaha guud ee cispitalka keysaney ayaa kagamahdceliyay howlwadeenada guud cispitalka qaabka ay ugu qidmeeyen hooyooyinka somaliyed oo laildaran xanuunkan una balanqaaday bulshada somaliyeed in ay howshan siiwadidoonaan

sii aqri

Wararka

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo shaqo joojin lagu sameeyay

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Ra’iisal wasaaraha XFS Mahamed Xuseen Rooble ayaa baabi’iyay warqad wasaaradda Arrimaha dibadda ay ku fasaxday Markab waday dhuxul sharci daro ah oo ku xernaa xeebaha dalla Cumaan.

Sidoo kale Ra’iisal wasaaraha dalka ayaa shaqada ka joojiyay wasiirka arrimaha debadda Cabdisaciid Muuse Cali .

Waxaa uu amray in Hay,addaha dowladda ay ku sameeyaan baaritaano sababta keentay in uu falkaan dhaco.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Hantidhowraha qaranka iyo Hey’adaha amniga wuxuu faray inay baaritaan ku sameeyaan falkaan sidii uu u dhacay, kadibna ay u gudbiyaan hey’adaha garsoorka dalka.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka35 mins ago

Xildhibaan sheegay in Muqdisho laga wado abaabulka qorshe xilka looga tuurayo Laftagareen

Wararka46 mins ago

Maalinta ciribtika iskufuranka haweenka oomuqdisho laguqabtay

Wararka2 hours ago

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo shaqo joojin lagu sameeyay

Wararka2 hours ago

Sucuudiga Oo Xayiraad Lama Filaan Ah Ku Soo Rogay Soomaaliya

Wararka2 hours ago

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD AYAA ERGEY GAAR AH U MAGACAABAY ARRIMAHA ABAARAHA

Wararka1 day ago

Xasan Sheikh Oo Si Rasmi Ah Ula Wareegay Xilka Madaxweynaha

Wararka1 day ago

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Ammaro Cusub Soo Saaray.

Wararka1 day ago

Madaxweyne Xasan Sheikh Oo Si Rasmi Ah Xilka Ula Wareegaya

Wararka1 week ago

Booliska Soomaaliya Oo Bandow Kusoo Rogay Magaalada Muqdisho

Wararka1 week ago

Wararkii ugu Dambeeyay ee Xaaladda Dhuusamareeb.

Wararka1 week ago

Guddiga Doorashada Oo Soo Saaray Farriin Ku Socota Dhammaan Musharaxiinta Madaxweynaha

Wararka2 weeks ago

Booliska Oo Shaaciyay Cida Lala Beegsaday Qaraxii Muqdisho & Khasaaraha Ka Dhashay

Wararka2 weeks ago

Faah Faahin: Qarax Is-Miidaamin Ah Oo Ka Dhacay Wadada Aada Garoonka Aadan Cadde

Wararka2 weeks ago

Hadal-Jeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha Dalka Oo Maanta Bilaabaneysa

Wararka2 weeks ago

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Kormeer Deg Deg ah Ku Tegay Hoolka Doorashada Afisooni.

Wararka2 weeks ago

Beesha Caalamka Oo Taageertay Go’aankii Guddiga Doorashada Madaxweynaha Dalka

Wararka2 weeks ago

Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo horleh geyneysa Degaannada Galmudug.

Wararka2 weeks ago

Ciidanka Jubbaland Iyo Kuwa DANAB Oo Weerar Ku Qaaday Degaan Ka Tirsan J/Hoose.

Wararka2 weeks ago

Diiwaan-Gelinta Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha Oo Maanta Lasoo Gaba-Gabeynayo.

Wararka2 weeks ago

Farmaajo Oo Qaatay Shahaadada Musharaxnimo Ee Xilka Madaxweynaha.

Wararka2 weeks ago

Diiwaangelinta musharrixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta bilaabaneysa

Wararka2 weeks ago

Guddoomiye Aadan Madoobe Iyo James Swan Oo Ka Shiray Dhameystirka Doorashada.

Wararka2 weeks ago

Golaha Ammaanka ee QM oo si adag uga hadlay weerarkii Ceelbaraf.

Wararka6 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi6 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Dhegeysi6 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Wararka6 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka5 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka6 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka6 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi6 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka4 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka6 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka4 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English6 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

News In English7 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Wararka4 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Muuqaalo7 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

Dhegeysi1 year ago

News In English6 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English4 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English4 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English5 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada4 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada4 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

Warbixinada4 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

Daalaco