Connect with us

Wararka

Prof. Dufle oo si rasmi ah loogu guddoonsiiyey wadanka Norwey abaalmarinta Somali Peace Award (Daawo Sawirada)

Published

on

Prof. Cismaan Max’uud Dufle oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa waxaa si rasmi ah loo gudoonsiiyey abaalmarin sanadeed ay bixiso heyadda Somali Peace Award ka dib munaasabad balaaran oo lagu qabtay Magaalada Oslo ee wadanka Norwey taasoo ay ka qeyb galeen xubno fara badan oo ka tirsan jaaliyada Soomaalida Norwey, masuuiyiin kala duwan iyo marti sharaf kale.

Guddiga Somali Somali Peace Aword oo kooban shan xubnood 19-03-2016 waxay ku dhowaaqeen in sanadkan abaal-marinta Somali Peace Aword ee nabada iyo waxtarka bulshada uu ku guuleystay Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ah dhaqtar Soomaaliyeed.

Ex-Xildhibaan Ubax Aadan oo ka mid ah gudiga Somali Peace Aword oo ka mid aheyd xubnaha halkaas ka jeediyey khudbadaha ayaa ka hadashay muhiimada uu fikirka abaal-marintani u leeyahay umada iyo faa’iidooyinka laga dhaxli karo, waxayna u mahadnaqday cid kasta oo ka qayb qaadatay hawshan iyo weliba gudoomiyaha Somali Peace Aword.

“Markii aan aragnay shuruudaha guddiga ee u yaalla qofka la siinayo abaal marinta oo ay ka mid yihiin, inuu yahay qof wax u huray umada iyo dalka, inuu yahay qof aan ku lug laheyn burburka iyo dhibaatada dalka ka dhacday bulshadana ugu shaqeeya si hagar la’aan ah, inuu yahay qof wax muuqda ku kordhiyay nabada iyo horumarka dalka, inuu yahay qof shaqadiisa saameyn balaaran ku leedahay bulshada ayaa waxaan go’aansanay in abaal marintan uu mudan yahay Dr. Dufle oo ah dhaqtar iyo siyaasi Soomaaliyeed” ayey tiri Ubax Abdullahi Aadan.

Baashe Muuse oo ka mid ah xildhibanada golaha degaanka caasimada Oslo ayaa isna ugu hambalyeeyay dhakhtarka hawsha uu umadiisa u qabtay iyo billada uu ku guulaystayba isagoo kula dardaarmay inuu dedaalkiisa halkaas ka sii wado.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka wadanka Norway ah oo magaciisa la yiraahdo Xildhibaan Abdullahi Allason ayaa ka hadlay faa’iidada ay bulshada u leedahay iyo fariinta ay wadato Billada Somali Peace ward wuxuuna u hambalyeeyey Prof. Dufle.

Ugu dambeyn waxaa munaasabadan khudbad ka jeediyey Prof. Cismaan Maxamud Dufle oo ah shaqsiga ku guuleysatay billada Somali Peace Award isagoo mahadnaq balaaran u jeediyay marti sharaftii iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee ku soo dhoweysay Oslo.

“Waxaa salaan & Mahadnaq u soo gudbinayaa guud ahaan Jaaliyadda reer Norwey Guddiga Somali Peace Award & gaar ahaan Guddoomiyaha SPA Maxamed Saadaq, sida diiran ee aad iigu soo dhowayseen Oslo Waxaa kale oo sharaf weyn ii ah inaan idinkala soo qayb galo xafladda gudoonsiinta Abaal marinta Shaqsiga sanadka 2016 ee nabadda iyo Waxtarka Bulshada waxaan kale oo aan ku faraxsanahay in aan noqdo Shaqsiga ku soo baxay, dabcan waxaa jiri kara dad iga wanaagsanaa ama iga dadaal badnaa, haddana Ilaahay baa nasiibkayka ka dhigay inaan ku guulaysto” ayuu yiri Prof. Dufle oo sidoo ah gudoomiyaha guddiga adeega bulshada ee baarlamanka Somalia.

Waxaa uu ugu dambeyn mahad celin gaar ah u jeediyey Guddiga Somali Peace Award iyo Guddoomiyahooda oo markii ugu horaysay curiyay fikirka Abaal marinta shaqsiga waxtarka u yeesha bulshada, Jaaliyadda reer Norwey iyo Wafdi ka yimid Jaaliyadda Sweden.

Xubin ku hadlay magaca qabanqaabiyeyaasha ayaa xusay inaan la soo koobi karin Prof. Dufle waxyaabihii uu qabtay balse ay ugu muhiimsan yihiin abaabulkii uu ka gaystay isaga iyo Guddigii Isku Dhafka Caafimaadka Muqdisho kaasoo waxweyn ka taray u gargaaridda dhaawacii uu sababay dagaaladii sokeeya ee ka qarxay caasimada sanadkii 1992, ayna ka talaabeen wixii la dhihi jiray khadkii cagaarnaa ee Muqdisho kala qaybin jiray, wuxuuna xusay iney dib u hawlgeliyeen Isbitaaladdii ayna ku dhax shaqaynayeen dagaaladii oo socda.

“Waxaa xusid mudan in Prof. Dufle uu u ka dhigay xabsigii hore ee Kaysanay in loo bedelo Cusbitaal Kaysanay oo ilaa iyo maanta bulshada u adeega. Toban sano ka dib 2002dii dhaqaatiir kooban oo uu ka mid yahay Prof. Dufle waxay aasaaseen Jaamacadda Banaadir kuliyadda Caafimaadka si loo helo dhaqaatiir cusub oo dhalinyaro ah si ay u buuxiyaan kaalintii ay baneeyeen dhaqaatiirtii dalka ka baxday iyo kuwii geeriyooday. Musiibadii Hotel Shaamow ee qabsatay ardaydii qalin jebinaysay ee Jaamacadda Banaadir, waxaa ku dhintay dad badan oo mas’uuliyiin muhiim u ahaa bulshada qaar kalena wey ku dhawacmeen, Prof. Dufle wuxuu ahaa waqtigaas qofkii qudbada aqrinayay. Dhacdadaas ma noqon mid hakisa hadafkii asaasayaasha Jaamacadda Banadir ee ahaa in la soo saaro jiil cusub oo dhaqaatiir ah riyadaasina waa rumowday, maxaayeelay waxaa ka qalinjibisay 470 dhaqtar oo waddan oo dhan ka shaqeeya” ayaa lagu yiri warbixinta kulanka laga akhriyey.

Xafladan oo ku dhamaatay jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa intii ay socotay hadalo isugu jiray mahadcelin iyo dardaaran ka jeediyey xubno ay ka mid ahaayeen Abwaan Abdirashid Maygaag, Eng. Mahad Abib Mahamud, Al Fanaan Cali Isaaq oo heeso guubaabo ah ka qaaday goobta, Ahmed Oriye oo ka socday ururka Xanaano, Abdiqadir Khaliif Abdulle oo ka tirsan guddiga Guddiga Somali Peace Award iyo shaqsiyaad kale.

Abaalmarintan ayaan aheyn tii ugu horeysay Prof. Dr. Dufle la gudoonsiiyo, waxaana sanadkii sanadkii 2015 bilad iyo abaal marin gudoonsiiyey machadka caalamiga ah ee Giussepe Pitre oo ku yaala dalka Talyaaniga kaasoo sidoo kale Prof-ka u sharaxay abaal marinta caalamiga ah ee Nopel Peace isagoo noqday dhaqtarkii ugu horeeyey qaarada afrika ee abaal marintan loo sharaxo.

duff_1

duff_2

duff_3

duff_4

duff_5

duff_6

duff_7

duff_8

duff_9

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo hor-kacayay Wafdi Ka kala socday Wasaaradda Waxbarashada XFS.

Published

on

Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo hor-kacayay Wafdi Ka kala socday Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare XFS, Wasaaradda Arimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah XFS ,Akadeemiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta,iyo sidoo kale Xubno ka socday Jamacadda Umadda Soomaaliyeed ayaa Magaalada Trieste ee Dalka Talyaaniga kaga qeyb galay Shir looga hadlaayay ,Magaaleynta taariikhda dhaqanka ee Muqdisho ,Dhaqaalaha badda ee rajada horumarka ee Soomaaliya,

Iyo Wax ka qabashada Caqabadaha Magaalada, Dhaqaalaha, Iskaashiga Caalamiga ah iyo Caafimaadka Bulshada.

Shirka oo Socday muddo sedax Cisho ah

Waxaa Soo qabanqaabiyay guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Trieste Dr Ahmed Fiqi Cilmi

Intaas kadib Guddoomiyaha ayaa Xariga ka jaray bandhig sawireedkii hore ee Muqdisho iyo horumarkeeda taariikheed ee Magaalo ahaan Waxa uuna ka Sheekeeyay Guddoomiyaha Xiriirka soo jireenka ah ee Dowladda talyaaniga iyo Dowladda Soomaaliya ay leeyahiin loona baahanyahy ayuu yari’ in la soo nooleeyo Taariikhayadii barisamaadkii hore, xarig Jarkaan bandhig sawireedkii hore waxa uu xasuuus gaar ah galinayaa waaya joogii hore ee Soomaaliya;

Ugudanbeeyntii guddoomiyaha waxa uu si gaar ah ugu Mahadceliyay Jaaliyadda soomaaliyeed ee soo qaban qaabisay shirkaan oo u ugu Horeeyo guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Trieste Dr Ahmed Fiqi Cilmi.

DHAMAAAD

Continue Reading

Wararka

Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya

Published

on

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya

u qaabilsan Geeska Afrika Mudane Vladimir Orlié oo maanta soo gaaray Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga taariikhiga ah ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Seerbiya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre oo Ergeyga ka guddoomay dhambaal uu ka waday Madaxweynaha Seerbiya Mudane Aleksandar Vučić, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Seerbiya garab istaagga iyo taageerada ay u muujisay Soomaaliya, gaar ahaan dib-u-dhiska ciidanka Qaranka oo xilligaan muhiim u ah dalka.

Dhankiisana, Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya ee Geeska Afrika ayaa ku bogaadiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed guulaha ay ka gaareen dowlad-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, waxa uuna xusay miro-dhalka dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo deegaannada laga xoreeyey.

Continue Reading

Barnaamijyo Isbuucle

Maalinta Suuqgeynta ee Shirkada HornAgro

Published

on

content/uploads/2024/02/GFXaaRmPCV743kYBAPemDOLTdQ0-bmdjAAAF-1.mp4″>
Continue Reading
Advertisement Starfmsomalia
Wararka1 month ago

Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo hor-kacayay Wafdi Ka kala socday Wasaaradda Waxbarashada XFS.

Wararka1 month ago

Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya

Barnaamijyo Isbuucle3 months ago

Maalinta Bandhiga iyo Wacyigelinta HornAgro

Barnaamijyo Isbuucle3 months ago

Maalinta Suuqgeynta ee Shirkada HornAgro

Wararka4 months ago

How to choose a Trustworthy Marriage Agency in Europe

Wararka4 months ago

How to Select an Online Marriage Agency

Wararka4 months ago

The Characteristics of a Nice Family

Barnaamijyo Isbuucle4 months ago

Shirkada HornAgro oo Tuulooyinka Hoostaga Kismayo Bandhiga Maalinta Suuqgeynta ku qabatay.

Wararka4 months ago

The Qualities of a Devout Wife

Wararka5 months ago

Dating Advice for Singles: How to Increase your chances of Finding Love

Wararka5 months ago

Best Contest for Women to Wed

Wararka5 months ago

East European Women of all ages Are Getting yourself ready for Marriage

Wararka5 months ago

What Are the Best Internet dating Websites?

Wararka6 months ago

Through Playful Banter, flirting

Wararka6 months ago

What to expect on a Sugar Daddy’s initial meeting

Online dating6 months ago

Asian bride rituals

Online dating6 months ago

Italian ceremony customs

Wararka7 months ago

Achieving Romanian Birdes-to-be and Their Overseas Husbands

Online dating7 months ago

Should i get Married to a Colombian Woman?

Wararka7 months ago

Diverse Sugar Relationship Sorts

Wararka7 months ago

Agreements

Wararka7 months ago

Understanding the Importance of Contracts: From Taxation Office Enterprise Agreements to Ceasefire Agreements

Wararka7 months ago

Unique Article: The Impact of Various Agreements in Today’s World

Dhegeysi8 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka8 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi8 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Wararka8 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka7 years ago

Qaar Kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha oo baaq deg deg u diray Golaha Ammaanka ee QM

Wararka7 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka8 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

News In English2 years ago

Somalia’s President defends his PhD thesis at UPEACE as the University’s program is praised at the UNGA77th Session in New York and UPEACE 34th Council meeting in Geneva.

Dhegeysi3 years ago

Wararka8 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi8 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka6 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka8 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka6 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

Wararka3 years ago

Duqeyn Dhanka Cirka Ah Oo Ka Dhacday Gobolka Mudug.

News In English8 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

Wararka5 months ago

Dating Advice for Singles: How to Increase your chances of Finding Love

News In English9 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Muuqaalo9 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

Wararka6 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

News In English6 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English6 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English8 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

Daalaco


Notice: ob_end_flush(): failed to send buffer of zlib output compression (0) in /home/satar8/public_html/wp-includes/functions.php on line 5420