Nala soo xiriir

Wararka

Qaabka ay u socoto codeynta xubnaha aqalka sare ee puntland iyo sida loo kala guulaystay

La Qoray

on

Kuriga 1aad: Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo xilku uu ka dhammaaday ayaa ku guuleystay xubinnimadda Aqalka Sare ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya oo u ku matali doono dowlad-gobolleedka Puntland,

Cumar ayaa 47 cod kaga guulaystay gabadhii la tartamaysay ee Aamino Axmed Cabdullaahi,sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland,Axmed Cali Xaashi -wuxuu guddoomiyu sheegay in musharaxad Aamino Cabdulaahi oo la tartamaysay Cumar Cabdirashiid ay heshay 17 cod, Waxaana xumaaday hal Cod.

65 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa maanta ka qayb-galay cod dhiibayashada xubnaha u sharraxan Aqalka sare -waxaana baarlamaanka uu ka kooban-yahay 66 xildhibaan.

Sharma’arke wuxuu noqonayaa musharixii kowaad ee ku guulaystay xubinimadda Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka, isagoo matalaya deegaannada Puntland.

Kursiga 2aad: Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa isna ku guulaystay kursigii labaad ee aqalka sare kadib codayn ka dhacday hoolka Baarlamaanka Puntland.

Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa la tartamayey Cabdimahdi Abshir Cismaan.

Cabdiraxmaan Faroole waxaa uu helay codad dhan 59 cod Cabdimahdina waxaa uu helay 5 cod waxaana xumaaday 1 cod waxaa sidaas ku dhawaaqay gudoomiyaha guddiga doorashada Puntland Saadiq Abshir Garaad.

Kursiga 3aad: Xunbinta sedexaad ee aqalka sare Puntland ayaa waxaa ku guulaystay Prof Cabdirisaaq Xasan Cismaan Juurile waxaana uu helay 33 cod.

Hodan Ismaaciil Cilmi oo la tartamasay Prof. Juurile ayaa iyaduna heshay 32 cod waxaana looga guulaystay 1 cod.

Doorashada Juurile iyo Hodan ayaa noqotay doorashadii ugu xiisaha badnayd maadaama lagu kala guulaystay cod hal dheeri ah.

Kursiga 4aad: Cali Ismaaciil Cabdi Giir iyo Farxaan Cali Xuseen ayaa ku tartamay kurisga afraad ee aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya u matalaya Puntland.

Farxaan Cali Xuseen ayaa ku guulaystay xubinta aqalka waxaana uu kaga guulaystay Cali Ismaaciil Cabdi Giir oo kursigaas kula tartamayey.

Farxaan Cali Xuseen ayaa helay codad gaaraya 36 cod Cali Ismaaciil Cabdi Giir wuxuu helay 29 cod waxaana natiijada ku dhawaaqay gudoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee heer federal.

Kursiga 5aad: Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere iyo Faarax Cawad Jaamac ayaa ku tartamay kursiga shanaad ee aqalka sare oo maanta ka dhacay magaalada Garoowe.

Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere ayaa ku guulaystay xubinta shanaad ee Baarlamaanka aqalka sare uga mid noqonaya Puntland waxaana uu kaga guulaystay tartanka Faarax Cawad Jaamac.

Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere ayaa helay codad gaaraya gaaraya 40 codka Faarax Cawad Jaamac waxaa uu helay 25 cod waxaana natiijada ku dhawaaqay Siciid Jaamac Qoorsheel oo gudoomiyaha guddiga doorasha heer federal ee Puntland.

Kursiga 6aad: Mahad Daahir Shiikh Nuur iyo Cabdixakiin Axmed Xaashi ayaa ku tartamay kursiga 6-aad ee aqalka sare doorashadii maantay ka dhacday Magaalada Garoowe.

Mahad Daahir Shiikh Nuur ayaa helay codad gaaraya 36 cod halka Cabdixakiin Axmed Xaashi uu helay 28 cod waxaana xumaaday hal cod sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee heer federal Qoorsheel.

Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa dooranaya 11 xubnood ee aqalka sare ee baarlamaanka Federalka u matali doona Puntland.

Kursiga 7aad: Kursiga Todobaad ee aqalka sare ee Baarlamaanka Federalka u matalaya Puntland ayaa waxaa ku tartamay Hodan Maxamuud Cismaan iyo Basro Cumar Geele.

Hodan Maxamuud Cismaan ayaa heshay codad gaaraya 35 cod Basro Cumar Geedina waxaa ay heshay 30 cod sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee heer federalka Qoorsheel.

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

James Swan Oo Kulan Laqaatay Ra’iisul Wasaar Xamse.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Ergayga gaarka ah Mr. Swan ayaa kulankooda iskula soo qaaday xaaladaha dhanka siyaasadda, ammaanka iyo bini’aadamnimo ee dalka ka jira maanta iyo qaabka ugu habboon ee gargaar loo gaarsiin karo dadka dhibaateysan ee abaaruhu saameeyeen.

Ergayga ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay inay dowladda Soomaaliya gacan ka siiyaan barnaamijyada hortabinta u leh qorshaha xukuumadda Soomaaliya.

sii aqri

Wararka

Guddiga Gaadiidka iyo Hawlaha Guud oo la kulmay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta ee DFS.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Guddiga Gaadiidka, Hawlaha Guud, Duulista Hawada, Dekedaha iyo Tamarta ayaa maanta kulan-hawleed la qaatay Masuuliyiinta Wasaaradda Hawlaha Guud oo uu horkacayo Wasiirka Wasaaradda Xil. Ismail Abdirahman Sh. Bashiir oo ay weheliyaan Wasiiru-dawlaha, Wasiir ku-xigeenka, Agaasimaha Guud, Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Madaxa Mashaariicda.
Kulanka oo ka qabsoomay xarunta Guddiga ee Villa Hargeisa ayaa ku qabsoomay jawi wanaagsan. Guddoomiyaha Guddiga oo kulanka furey ayaa ugu horreyn u mahadceliyey masuuliyiinta wasaaradda sida habsamida leh ee ay usoo ajiibeen kulanka loogu yeedhay. Guddoomiyaha ayaa ka hadlay hawlaha muhiimka ah ee guddiga horyaalla isla markaana xusay inay guddi ahaan diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan Wasaaradaha ay guddigani korjoogtayso. Xildhibaannada guddiga ayaa masuuliyiintan ku adkeeyey inay soo gudbiyaan qorshe-hawleedka Wasaaradda iyo shuruucda mudnaanta gaarka ah u leh wasaaradda si logo doodo marka kalfadhigu 2aad furmo.
Wasiirka Wasaaradda oo hadal-jeedin ka sameeyey kulanka ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay wasaaradda Hawlaha Guud u leedahay dalka iyo doorka ay ka ciyaarto kobcinta dhaqaalaha iyo bilicda caasimadda iyo dalkaba guud ahaa. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa sidoo kale ka hadlay doorka guddigu ka ciyaari karo inay wasaaraddani noqoto mid shaqadeeda si hufan u gudata isla markaana guddigu garab ku siiyaan sidii wasaaraddu shaqadeeda uga la soo wareegi lahayd Wasaaradaha dawladda ee sida sharci-darrada gacanta ugu haya. Wasiir-dawlaha iyo Wasiir kuxigeenka wasaaradda ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn dhexmarta wasaaradda iyo Guddigani.
Gunanadkii Xildhibaannada Guddiga ayaa soo jeediyey in Wasaaraddu tirakoob ku sameyso hantida ma-guurtada ah ee dawladda ee caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan gobollada dalka. Sidoo kale, waxa aad looga hadlay boobka lagu hayo dhulka dawladda, dhulka sida sharci-darrada ah loo dhisanayo iso sidoo kale in la dedejiyo in dib loo sameeyo bullaacadihii (sewage) biyuhu mari jireen ee hadda aan shaqeynin.
Ugu dambeyn Guddiga iyo Wasaaradda ayaa isla qaatay in kulan kale la isugu yimaaddo isla markaana la isla faaqido shuruucda hortabinta u leh wasaaradda. Waxaana ay ballan qaadeen labada dhinacba in ay si hufan u wada shaqeeyaan.

sii aqri

Wararka

Axmed Macalin fiqi ayaa Sheegey In Diyaarahada Aan Duuliya Laheen Qeyb Ka Yihiin Dagaalka Ka Dhanka ah Alshabaab

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macalin fiqi ayaa sheegay in dagaalka xilligaan lagula jiro Ururka Al-Shabaab ee ka socda gobolada adlka ay kusoo biirtay dowladda Turkiga oo taageereysa Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ee hubka qaatay.

Wasiirka wuxuu sheegay in Diyaaradaha dalka turkiga ay duqeeyeen goobo ay isku aruursaneen ururka Al-Shabaab, si ay dhibaato u geystaan, isla markaana ay beegsadaan meelaha culeyska weyn laga dareemo.

Waxaa Wasiirka wax laga weeydiiyay doorkooda howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab Ciidamada ATMIS, wuxuu sheegay in si kooban ay uga qeyb galeen, sida inay diyaarado kusoo qaadaan dadka ku dhaawacmo dagaallada.

Hadalkan kasoo yeeray Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macalin fiqi ayaa kusoo aadaya xilli Gobolada Hiiraan & Galgaduud ay ka socdaan howlgallo ay wadaan Ciidamada dowladda & dadka degaanka, isla markaana degaano dhowr ah lagala wareegay Al-Shabaab.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka1 day ago

James Swan Oo Kulan Laqaatay Ra’iisul Wasaar Xamse.

Wararka1 day ago

Guddiga Gaadiidka iyo Hawlaha Guud oo la kulmay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta ee DFS.

Wararka1 day ago

Axmed Macalin fiqi ayaa Sheegey In Diyaarahada Aan Duuliya Laheen Qeyb Ka Yihiin Dagaalka Ka Dhanka ah Alshabaab

Wararka1 day ago

Al-Shabaab Oo Ka Hadlay Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho

Wararka1 day ago

Ciidamada Dowladda Oo Al-Shabaab Kala Wareegay Degaano Horleh.

Wararka2 days ago

Hamza Abdi Barre Oo Oaray Golaha Wasiirada Dardargalinta Barnaamijka Deyn Cafinta.

Wararka2 days ago

Guddiga doorashooyinka Somaliland oo sheegay in doorashada Madaxweynaha aysan qaban karin

Wararka2 days ago

ATMIS oo hoos u dhigtay doorka maleeshiyaadka macwuusleyda ee dagaalka Shabaab

Wararka2 days ago

Madaxweyne Deni oo wasiir u magacaabay taliye Ciidan

News In English3 days ago

President Mohamud Asks Int´l Partners To Help Somalia Avert Looming Famine & Defeat Scourge Of Al-Shabaab.

News In English3 days ago

Somali Government signs UPEACE Charter, opening new opportunities for Somalis

Wararka4 days ago

Taliye Odawaa Oo Ka Hadlay Dagaal Ka Dhacay Duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Wararka4 days ago

Dowladda Qatar oo ugu yaboohday dalal ay kujirto Somalia $12 Milyan oo gargaar ah

Wararka4 days ago

Howlgal Lagu Soo Qab-Qabtay Dad Badan Oo Laga Sameeyay Degmooyin Ka Tirsan Muqdisho

Wararka4 days ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee socda & Abaaraha

Wararka3 weeks ago

Xukun Dil Toogasho Oo Lagu Riday Askar Ka Tirsan Ciidanka Dowladda Oo Dilal Geysatay

Wararka3 weeks ago

Khasaaro Ka Dhashay Qaraxii Maanta Ka Dhacay Magaalada Baraawe.

Wararka3 weeks ago

Ciidamada Macawisleyda Oo Weerar Ku Qaaday Al-Shabaab.

Wararka3 weeks ago

Midowga Afrika oo sheegay inay deg deg uga jawaabayaan weerarkii Al-Shabaab ku dileen dadka Shacabka

Wararka3 weeks ago

Qaramada Midoobay Oo Shaacisay In Kumannaan Soomaali Ah Ay Qarka U Saaran Yihiin Macluul Daran.

Wararka3 weeks ago

Dowladda Turkiga Oo War Kasoo Saartay Weerarkii Lagu Laayay Dadkii Shacabka Ahaa

Wararka3 weeks ago

Saraakiisha Ciidanka xoogga & kuwa ATMIS oo ka shiray Amniga Sh/Hoose

Wararka3 weeks ago

Aadan Madoobe Oo Ka Hadlay Weerarkii AL-Shabaab Ka Gaysteen Gobolka Hiiraan

Dhegeysi7 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka6 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi7 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Wararka7 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka6 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka7 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka6 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi2 years ago

Dhegeysi7 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka5 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka6 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka5 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English7 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

News In English7 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Wararka5 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Muuqaalo7 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English7 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English5 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English5 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English5 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Wararka4 years ago

Nin Soomaali ah oo weerar mindi loo adeegsaday ka geystay masaajid ku yaal Cape Town

Warbixinada5 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada5 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

Daalaco