Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in qaar ka mid ah Waddooyinka Muqdisho la xiri doono inta lagu guda jiro maalmaha ay dhacayaan doorashooyinka, si loo xaqiijiyo amniga.
Col. Bishaar Abshir Geeddi ayaa sheegay in maalmaha soo socda la xiri doono waddooyin gaar ah, si loo sugo amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka, isagoo ka codsaday shacabka inay u dulqaataan.
“Waxaan shacabka Muqdisho u jeedineynaa inay ciidamad kala shaqeeyaan amniga, waxaa ka codsaneynaa shacabka inay dulqaad muujiyaan, waxaa dhici karta in waddooyin gaar ah amniga doorashooyinka lagu sugayo aan u baahano in la xiro, waxaa shacabka ka codsaneynaa inay arrintaas dulqaad ka muujiyaan, noo samraan”ayuu yiri Col. Bishaar.
Hey’addaha ammaanka ayaa maalmihii u dambeeyay ka waday magaalada Muqdisho howlo la xiriiray diyaar garowga sugida amniga, iyadoo jidad dhowr ah la xiray, halka kuwa kalena dhaxaanta loo yaqaano askari-jiifa wadada bartamaheeda laga sameeyay.
Inkastoo magaalada Muqdisho kaliya aanay ka dhaceyn doorashooyinka, ayaa waxaa lagu wadaa in xarumaha maamul goboleedyada ay ka dhacaan doorashada aqalka hoose, halka doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha ay ka dhaceyso magaalada Muqdisho.
Al-Shabaab ayaa horay ugu hanjabay inay beegsanayaan goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka, si ay u carqaladeeyaan.