Howlgal dhiig ku daatay oo ciidamada Militariga ay ka sameeyeen Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa lagu qaaday ku dhawaad 10 Isbaaro oo ay dhigteen dad isugu jira ciidan iyo Maleeshiyaad calooshood u shaqeystayaal ah.
Waxaa hogaaminaayay howlgalkaan Taliyaha Guutada Shanaad ee ciidamada Militariga Gobolka Shabeellaha hoose, C/laahi Xuseen waxaana laga fuliyay deegaano badan oo Gobolkaasi ka tirsan.
Intii howlgalka ciidanka ay ku jireen, ayaa waxa ay la kulmeen ciidamada rag hubaysan oo Isbaaro u tiilay oo dagaal kala hor yimid ciidamada, iyadoo dagaalkaasi lagu dilay qaar ka tirsanaa ciidankii ay u tiilay Isbaarada, kuwaasi oo ahaa Maleeshiyaad hubaysan.
Deegaannada Isbaarooyinka laga qaaday ayuu taliyaha ku sheegay inay kala yihiin Muuri, nawaaxiga degmada Afgooye, Lambar 60 iyo deegaanka Buufow Bacaad.
“Waxaan qaadnay Sagaal Isbaaro, kuwo ayaa isku dayay inay nala dagaallaan qaar ayaan ka dilnay intii kale wey baxsadeen, sidoo kale waxaa isbaarada dadka dhiganayay ku jiray qaar ka mid ah ciidanka dowladda, laakiin waxaan kusoo xareenay xerooyinkii ay ka tirsanaayeen.” Ayuu yiri Taliyaha.
Muddooyinkii dambe Gaadiidleyda ka shaqeysa Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa waxa ay si aad ah uga cabanayeen Isbaarooyin tiro badan oo Gobolka la soo dhigay, kuwaasi oo lacago kala duwan lagu qaado.
Isbaarooyinka qaar ciidamada Militariga ayey u yaalaan, Saraakiisha ciidankaasina waa ay ka war hayaan, hayeeshe arintaan ayaa ah mid aysan waxba ka qaban Karin Saraakiisha, maadaama ciidamada aysan joogto u helin Mushaarka.