aliyaha Xerada Jaamacadda Kismaayo, Korneyl Cabdi Ibraahim Cabdi (Cabdi Yare), ayaa sheegay weerarkii maanta inuu ahaa mid lama fillaan ah, isagoo dhinaca kalana sheegay in Shabaabku ay meel kasta gelayan, sida uu yiri.
“Weerarkan weerar la fillaayay maaha, maxaa yeelay afarta dhinac Kenya ayaa ka joogtay Xerada. Waa niman is dilaaya oo meelkasta gelaaya, niman naftooda raba maaha.” Ayuu yiri Taliyaha.
Taliyaha oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen raggii weerarka soo abaabulay, marka laga soo taggo laba nin oo sida uu sheegay fulisay weerarka ismiidaaminta ah.
Ragga ay gacanta ku hayaan, ayuu tiradoodu ku sheegay laba nin oo keliya, isagoona carabka ku adkeeyay inay yihiin kuwii weerarkaasi ka soo shaqeeyay, sida uu yiri.
Gaariga loo adeegsaday weerarkan oo NOAH ahaa, ayaa waxaa lagu beegsaday Ciidan Jubbaland ka tirsan, oo xilligaa uu tababar kaga soconaayay Xerada. Gaarigu waxa uu ka soo gudbay ugu yaraan laba kontorool oo gaadiidka ay ku baaraan Ciidamada Kenya.
Amisom waxay qiratay weerarkaasi in lagu dhaawacay saddex ka mid ah Saraakiisha Amisom ee tababarada siisa Ciidanka Jubbaland. Amisom, ayaa sidoo kale cambaareysay weerarkaasi.
Xukuumadda Federalka Somaliya, ayaa si xoogan u cambaareysay weerarkan, oo ay ku sheegtay mid ka baxsan Islaamka. Sidoo kalana waxay tacsi u dirtay qoysaska askartii ku dhimatay, kuna dhaawacantay weerarkaasi.
Ururka Al Shabaab oo soo saaray qoraal kooban, ayaa waxay ku sheegteen inay weerarkaasi ku dileen 100 askari oo ka kala tirsan Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya, ee ka tirsan Amisom.






