Sida ay tilmaamayaan wararka aan ka helayno Degmada Qansaxdheere oo ka tirsan Gobolka Baay, Qarax Khasaare geystay ayaa ka dhacay Degmadaasi, kaasi oo la geliyay goob ciidamada ay fariistaan inta badan xilliyada Habeenkii ah.
Qaraxan ayaa ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, waxaana uu Khasaare ka soo gaaray Askar ka tirsan ciidamada Dowladda oo ka mid ahaa kuwii fariisan jiray goobtaasi miinada la geliyay.
Inta la xaqiijiyay hal Askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa ku geeriyooday Qaraxaasi, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen labo Askari oo iyaga oo meesha fadhiya miinada ay ku qaraxday.
Dadka ku nool Degmada Qansaxdheere ayaa sheegay jugta Qaraxa inay maqlayeen, islamarkaana aysan ogaan karin inta uu la eeg yahay Khasaaraha ciidamada soo gaaray, maadaama ay adag tahay xilliyada ciidanka Qaraxa lala eegto in loo dhawaado.
Saraakiisha ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ee Degmada Qansaxdheere oo xaqiijiyay Qaraxaan Khasaare geystay ee ka dhacay Degmadaasi, ayaa beeniyay in Khasaare ay ka soo gaartay ciidamada Dowladda.
Al Shabaab ayaa lagu eedeeyay in qaraxan ay ka dambeeyeen oo ay ku aaseen goobtaasi ciidamada ay fariistaan xilliyada habeenkii ah.
Degmada Qansaxdheere waxaa gacanta ku haaya ciidamada Dowladda Federalka Somaliya iyo kuwa Amisom, gaar ahaan ciidanka Ethiopia ee howlgalka Amisom qaybta ka ah.