Qarax xoogan ayaa goor dhoweyd abaarihii 6:45 subaxnimo lala eegtay Hotelka caanka ah ee Saxafi Hotel oo ku yaala agagaarka Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.
Warar kala duwan ayaa illaa iyo hada ka soo baxayaan, iyadoo qaraxa uu ahaa gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo is-miidaamin ahaa oo la beegsaday albaabka hore ee Hotelka.
Qaraxa kadib ayaa la maqlay rasaas aan badneyd oo u dhaxeysay kooxdii weerarka soo qaaday iyo ilaalada Hotelka, iyadoo dableyda hubeysan gudaha u galeen.
Rasaasta xoogeeda ayaa ka socota gudaha hotelka, waxaana daqiiqado ka hor la maqlay qarax labaad oo gaari yaallay agagaarka Hotelka oo loo maleynayo inuu yahay gaarigii ay ka dageen dableydii gudaha u gashay Hotelka.
Al-Shabaab ayaa durbaba sheegtay weerarkan, war la soo dhigay baraha internet-ka ee taageera ayaa lagu sheegay in dagaalyahanadooda ay la wareegeen Hotelka Saxafi.
Xilliga qaraxa dhacayay ayaa aheyd waabarigii hore, afartan daqiiqo kadib markii la dukaday salaada subax, isla markaana dadka Muqdisho badankood isu diyaarinayeen inay kala-haan.
Wariye degan agagaarka KM4 ayaa sheegaya in qaraxa ahaa mid xoogan, isla markaana muraayadihii daaqadaha ay ku soo hoobteen.
Baabuurta ambalaasta iyo kuwa kale ayaa la maqlayay, waxaana xiran Isgoyska KM4 iyo wadooyinka soo gala oo ay xireen Ciidamada ammaanka oo markii qaraxa dhacay goobta soo gaaray.
Hotelka Saxafi ayaa ka mid ah Hotelada caanka ah ee ku yaal magaalada bartamaheeda, waxaana dega Mas’uuliyiinta dowladda sida Xildhibaano iyo dadka dibadaha ka yimaada.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe