Wararka naga soo gaarayo magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in goordhaw labo qarax oo ismiidaamin ah ay ka dhaceen goobo ay bulshada ku kulmaan oo kutaala Magaalada Baydhabo.
Qaraxa koobaad ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay nin waxyaabaha qarxa ay ku xirnaayeen kaa oo isku qarxiyay baarlagu magacaabo Bader oo kuyaala agagaarka halka loo yaqaan afar irdoodka magaalada Baydhabo .
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa labaad oo ahaa mid loo adeegsaday gaari waxyaaaha qarxa laga soo buuxyay ayaa isna lagu qarxiya Baar kale oo kuyaala agagaarka Xarunta Dahabshiil ee magaalada Baydhabo.
Baararkan Weerarada Ismiidaaminta ah lagu qaaday gabaldhicii ayaa ahaa kuwa ay inta badan fadhiistaan shacabka ku dhaqan magaalada Baydabo, waxa ayna ku yaaleen baararkan goobo dadku ku badan yihiin.
In ka badan 20-qof oo shacab u badan ayaa lagu soo waramayaa in ay qaraxyada ku dhinteen , waxaa sidoo kale jira dad badan oo ku dhaawcamay qaraxyada kuwaa oo goobaha caafimaadka loola cararay.
Dadka dhintay qaarkood ayaa lagu soo waramayaa in ay adagtahay in lakala aqoonsado maadaama ay jirkooda ay go’goeen, qaraxyada ayaana ahaa kuwa aad u xoog badnaa oo si weyna looga maqlay Baydhabo.
Ciidamada amaanka Magaalada Baydhavo iyo gaadiidka Gurmadka deg dega ayaa ku sugan halka ay qaraxyadu ka dhaceen, waxaana halkaasi laga qaadayay dadka dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxyada aadka u xoogan.