Qarax Salaaddii jimcaha kadib ka dhacay gudaha Hotel Central oo ku yaalla degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 15 qof iyadoo tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.
Dadka qaraxaas ku geeriyooday ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Cumar Cali Nuur (Cumar Furdug),Guddooomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhanka Siyaasadda Maxamad Aadan Guuleed (Caano Geel).
Xildhibaan C/qaadir Cali Cumar oo kamid ah mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale kamid ah dadka ku dhaawacmay qaraxa maanta Muqdisho ka dhacay.
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka xukuumadda Soomaaliya ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa dadkii ku dukanayay masaajidka, waxaana jira warar sheegaya in dhaawac fudud uu ka soo gaaray qaraxaas.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey weerarkii maanta lagu qaaday hoteelka Central oo ka mid ah hoteellada Muqdisho.
Madaxweynah ayaa yiri: “Aad baan uga xumahay in kooxaha nabadda ka soo horjeeda ay mar kale dad Muslimiin ah oo waajibka salaadda Jimcaha gudanaya ay ku weerareen masjid hoteelka Central ku dhex yaalla. Ilaahay ha u naxariisto inta ku dhimatay, kuwa ku dhaawacmeyna waxaan Ilaah uga baryayaa inuu degdeg caafimaad buuxa u siiyo.”
Madaxweynaha ayaa sheegay in weerarkani aanu dib u dhac ku keeni Karin hawlaha dowladda iyo dadaalka nabada lagu sugayo, isla markaana la sii wadi doono dagaalka lagula jiro kooxaha weererka fuliyay iyo kuwa kale ee ka soo horjeeda xasilooni ay Soomaaliya hesho.
Qaar kamid ah Isbitaallada Muqdisho ayaa ku dadaalaya daweynta dadkii ku dhaawacmay Qaraxa lagu weeraray Hotel Central.