Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Federalka Cabdraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa soo bandhigay qorshaha maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan iyadoo socon doonta geedisocodka maamul u sameynta muddo afar bilood ah. Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in tallaabada u horeysa ee maamul u sameynta labada gobol ay tahay kadib marka la saxiixo in maamul loo sameeyo labada gobol in la sameeyo guddi farsamo.
Maamulka loo dhisayo labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiraan ayaan la aqoon halka uu shirka maamul u sameynta uu ka dahcayo, sidoo kale lama garanayo magaca iyo calanka uu yeelanayo maamulkan cusub.
Halkan ka akhriso qorshaha dowlada ee Maamul u Sameynta labada gobol;
8da August 2015 Saxiixa Dhismaha Maamulka labada gobol ee Sh.dhexe iyo Hiiraan,
9-15 August 2015 waxaa la magacaabayaa guddiga farsamada ee Maamul u sameynta labada gobol.
15-30 August 2015 diyaargareynta goobta uu shirka ka dhici doono.
1-da September 2015 shirka ayaa si rasmi ah loo furi doonaa una bilaaban doono.
1-20ka September 2015 Wajiga hore ee shirka oo ah Odayaasha Dhaqanka iyo Dib u Heshiisiin.
20Sep-20 Oct Wajiga Labaad ee shirka oo ah ansixinta dastuurka ee ay ergada ansixinayaan. Iyo sidoo kale soo xulista xubnaha baarlamaanka.
1-da November 2015 sameynta kaararka Xildhibaanada. Waxaana la dhaarin doonaa xildhibaanada iyadoo kalfadiga koowaad ee baarlamaankana la qaban doono.
2- Nov-4November 2015 dejinta xeerarka doorashada guddomiyaha iyo ku xigeenada baarlamaanka.
5ta Novembar 2015 Magacaabista Guddiga Doorashada Baarlamaanka.
7-da November Qabashada Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.
9- November Dhismaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha.
10- November Qabashada araajida musharaixiinta Madaxweynahah maamulka labada gobol.
11-November Dhagaysiga qudbadaha Musharixiinta
24 November Qabashada Doorashada Madaxweynaha Maamulka Labada gobol. Iyo ku xigeenkiisa.
1da December 2015 Xaflada dhaarinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka labada gobol .