22 nin oo u dhashay dalka Kenya, ayaa waxaa maanta la soo taagay Maxkamadda Gobolka Banaadir, ka dib markii lagu eedeeyay in si sharci darro ah ay dalka ku jooggeen.
Raggan oo si shaqaalenimo dalka ku joogay, ayaa ka tirsanaa Shirkadda L,iber Link, oo xarun ku leh Magaalada Muqdisho, waxaana qudheedu lagu haystaa inay shaqaaleysiisay rag aan sharci ku lahayn dalka.
Dhageysiga Maxkamadda, ayaa waxaa ka qaybgalay Saraakiil ka socotay Waaxda Socdaalka, Booliska iyo xubno kale oo ka socday Safaaradda Kenya ku lee dahay Magaalada Muqdisho.
Xeer Ilaaliye Ku Xigeenka 2-aad Qaranka, Maxamed Xasan oo ka hadlay Maxkamadda, ayaa waxa uu shaqaalaha reer Kenya uu ku soo eedeeyay in si sharci darro ah, ay dalka kaga hawlgalayeen.
“Xafiiska xeer ilaalinta Qaranka waxa uu shirkadda Liber link ku eedeynayaa inay ku xad gudubtay qodobka 37 xarafkiisa (o) iyo qodobka 24 ee sharci shaqaalaha shisheeyee, sababtoo ah shirkadda waxa ay shaqaaleysiisay dad aan haysan ruqsadda shaqaalenimo, isla markaana aan dalka si sharci ah ku joogin, Maxkamadana waxaan ka codsanaynaa inay kiiskaasi ku qaado eedeysanayaashan.” Ayuu yiri Maxamed Xasan,
Dr. Xaashi Cilmi Nuur, Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, ayaa sheegay inay aqbaleen eedeymaha lagu soo oogay raggaasi, balse ay kiiskan dib u dhigeen illaa Khamiista.
“Waxaan ogolaanay in aan hal maalin dib u dhigno kiiskan, Khamiista ayaana ka dhignay in dacwadooda la qaado.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir.