Raheem Sterling ayaa wali sii wada dagaalkii uu kula jiray kooxdiisii hore ee Liverpool isagoo tilmaamay in kooxda uu haatan ka tirsan yahay ee Manchester City ay tahay kooxda ku habooneyd horumarkiisa kana saacidi karta inuu gaaro guulaha uu u baahan yahay.
Sida ay qoreyso the Sun Raheem Sterling ayaa yiri “Waan ogaa markii aan kooxdaan ku soo biirayay inaan imaanayo koox aan ugu tartami karo koobab, koox aan kula guuleysansan karo waxa aan rajeynayo oo ah koobab badan, waxaan halkaan kasii wadi karaa horumarkeyga”.
Sterling ayaa intaa ku daray “Waan ku faraxsanahay sida ay wax waliba ii yihiin hada, markii aan halkaan imaanayay waxyaabo badan ayaa la sheegayay iyo inaan la qabsan doonin laakin xaalka sidaasi waa ka duwan yahay, waan ku raaxeysanayaa inaan kooxdaan ka tirsanahay”.
Raheems Sterling ayaa sheegay in Man City ay tahay kooxda ugu fiican ee lala joogo isagoo qishay iney ku jiraan xaalad aad u fiican wuxuuna yiri “Waxan joogaa kooxda ugu saxan, xaalada ay haatn kooxda ku jirto waa mid heer sare ah, waxan u dagaalameynaa afarta koob ee aan u tartameynay, waxa loo baahan yahay ayaa ah inaa dagaal kama danbeysa ah galno oo an ka rumeyno hadafkeena”.
Xagaagii dhawaa ayeey aheyd markii uu xidigaan si muran badani ku jiro uga tagay kooxdiisi hore ee Liverpool kuwaaso sameeyay iskuday waliba oo ay ku doonayeen iney qandraas cusub kaga saxiixdaan xidigaan laakin wuxuu kala hortagay diidmo qayaxan.