

Warbixinada
Ra’iisal Wasaaraha Jarmalka, Angela Merkel oo la kulantay Madaxda Turkiga
La Qoray
6 years agoon
Waxaa Qoray
Star FMRa’iisal Wasaaraha Jarmalka, Angela Merkel waxa ay Axadii maanta booqasho rasmi ah ku tagtey Magaalada Istanbul, iyadoo dhinaca kalana kula kulantay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Turkiga.
Ahmet Davutoglu, Ra’iisal Wasaaraha Turkiga, ayaa Angela Merkel ku soo dhaweeyay Istanbul, waxayna si weyn uga wada hadleen, sidii loo joojin lahaa qaxootiga sida xoogan ugu soo tahriibaya Qaaradda Yurub, xilli Turkiga lagu siin doono dhaqaalo.
Masuuliyiintan oo si wada jir ah shir jaraa’id u qabtay, ayaa waxay ku faah faahiyen waxyaabihii ay ka wada hadleen, waxayna Angela Merkel sheegtay inay ka wada hadleen uun qulqulka qaxootiga ku soo yaacaaya Yurub iyo sidii lagu hakin lahaa.
Waxay ku celisay inaysan aqbali doonin in Turkiga uu xubin ka noqdo Ururka Midowga Yurub, balse ay ballanqaadeyso in dadka reer Turki ay bilaa fiiso ku taggaan Wadamada Yurub, dhaqaalana lagu siiyo la tacaalidda tahriibayaasha.
Ahmet Davutoglu, ayaa wuxuu ku baaqay in qaxootiga lagu xakameeyo gudaha dalka Suuriya, iyadoo laga hirgelinayo goob xasiloon oo dadku ku noollan karaan, inkastoo ay taasi ka hortimid marwo Merkel.
Dhanka kale Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan oo qaabilay haweeneydaasi, ayaa wuxuu ugu baaqay in ay taageerto in Turkigu uu ka mid noqdo Wadamada Midowga Yurub, si iyana ay u joojiyan qulqulka muhaajiriinta.
Waxay Madaxweynaha Turkiga ugu laab qaboojisay inay siin doonto taageero hagar la’aaneed, haddii Xukuumadda Ankara aqbalayso hakinta dadka ka soo cararaaya dagaalada Suuriya. Turkiga waxaa hadda ku nool laba milyan oo qaxooti reer Suuriya ah.
Sanadkan, ayaa waxaa la saadaaliyay in hal milyan oo qaxooti ah ay magangelyo weydiisan doonaan Jarmalka, waxayna taasi walaac xoogani ku dhalisay Xukuumadda Berlin.
Booqashada Angela ee Turkiga, ayaa waxay ka turjumaysaa sida Ururka Midowga Yurub uu ugu baahan yahay Turkiga, in ka badan intii hore ee jirtay. Midowga Yurub waxa uu la daallaa dhacayaa qulqulka qaxootiga ka soo burqanaya dalalka ay ka mid tahay Suuriya, sidoo kalana waxa ay raadinayan tallaabo wanaagsan oo lagu yarayn karo qulqulkooda.

ISTANBUL, TURKEY – OCTOBER 18: German Chancellor Angela Merkel (L) meets Turkey’s President Recep Tayyip Erdogan at the Yildiz Palace State apartments during her visit in Istanbul, Turkey on October 18, 2015. (Photo by Turkish Presidency / Murat Cetinmuhurdar/Anadolu Agency/Getty Images)

Turkish Prime Minister Ahmet Davutoglu, right, greets Germany’s Chancellor Angela Merkel, left, prior to their meeting at his office in Dolmabahce Palace in Istanbul, Sunday, Oct. 18, 2015. Merkel is meeting Turkish leaders to promote a EU plan that would offer aid and concessions to Turkey in exchange for measures to stem the mass movement of migrants across Europe’s borders. (Bulent Kilic, Pool Photo via AP)
LAGA YAABO INAAD JECESHAHAY
Wararka
Booliska Australia Oo Baadi Goobaya Muwaadin Soomaaliyed Oo Dil Ka Geystay Dalkaasi.
La Qoray
3 years agoon
Jun 6, 2018Waxaa Qoray
Star FM
Booliska dalkaasi ayaa soo saaray Warqaddii lagu soo qaban lahaa Ninkaasi oo lagu magacaabo C/qaadir Faarax, kaasi oo lagu eedeynayo inuu Marxuum la oran jirey C/llaahi Maxamed Cigaal ku dilay dalkaasi sannadkii 2015-kii.
Hadal-qoraal oo ay Boliska Australia soo saareen ayey ku sheegeen inuusan jirin Heshiis ay Dowladaha Somalia iyo Australia horey isugu raaceen in Dembiilayaasha la isku soo celin karo.
Eedeysanaha la raadinayo ayaa la sheegay inuu dalka Australia ka soo baxsaday markii uu dilkaasi geystay, isla markaana uu haatan ku sugan gudaha Somalia, inkastoo aysan Boliska si rasmi ah u caddeynin magaalladda uu kaga sugan dalka Somalia.
Boliska Australia waxay sheegeen inuu C/qaadir Faarax ka soo dhoofay Garoonka Caalamiga ee magaalladda PERTH, isagoo Transit ku soo maray Dubai, ka hor inta uusan ku soo laabanin Somalia.
Dhinaca kale, Maydka Marxuumka la dilay ee C/llaahi Maxamed Cigaal oo 25-jir ahaa waxaa maydkiisa la helay bishii October ee sannadkii 2015-kii, 5 bilood kadib, markii la waayey Eedeysanaha dilka geystay.
Warbixinada
Masjidka Xaramka Ayaa Waxa Ku Soo Jabay Washiir Shaqo Kawaday Masjidka
La Qoray
3 years agoon
May 21, 2018Waxaa Qoray
Star FM
Saraakiisha Mamulka magaalladda Maka Al-mukarama ee dalka Sacuudiga ayaa sheegay inuu Wiish nooca guur-guura soo jabay kuna habsaday goob uu dhismo ka socday Masjidka weyn ee Maka, iyadoo Dareewalkii Wiishkaasi uu soo gaaray dhaawac fudud.
Twitter-ka Telefishinka Al-Ekhbaariya waxa uu ka soo xigtay Sarkaal ku sugan Maka Al-mukarama inaysan waxyeello soo gaarin dadkii ku cibaadaysanayey Masjidka Xaramka.
Goobta uu dhismuhu ka socdo ee Masjidka Xaramka ayaan weli loo furin dadka Cibaadaysana, kuwa Cumradda iyo dadka kale ee u soo cibaada taga Masjidka weyn ee Xaramka ee magaalladda Maka Al-mukarama.
Sawiro laga soo qaaday goobta uu ka dhacay Shulka, ayaa muujinaya inuu Wiishku ku dhacay meel uu dhismo ka socday, oo uusan ku dhicin meel ay dadkii cibaadaysanayey joogeen
Warbixinada
Trump ayaa ku dhowaaqay in dowladiisu ay ka baxday heshiis lala galay sanadkii 2015 wadanka Iran
La Qoray
3 years agoon
May 9, 2018Waxaa Qoray
Star FM
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay in dowladiisu ay ka baxday heshiis lala galay sanadkii 2015 wadanka Iran kaasoo ku saabsanaa horumarinta barnaamijka Niyukliyerka.
Trump ayaa saxiixay ka bixitaan heshiiskan waxana uu sheegay in cunoqabatayn xoog leh uu ku soo rogayo dalka Iran.
Shir jaraa’id oo goor dhow qabtay ayuu Madaxweynaha Maraykanka waxa uu ku eedeeyay dowlada Iran inay gacan siiso kooxaha argagaxisada ah isagoo tusaale u soo qaatay kooxaha Xamaas,Daalibaan iyo Alqaacida.
Dowlada Maraykanka ayaa hore loogu baaqay inaysan ka bixin heshiiskan lala galay dalka Iran,hase yeeshee baaqyadaas ayaa guuldareystey kadib markii uu Madaxweyne Trump ku dhowaaqay in dowladiisu ay ka baxday heshiiska.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in haddii heshiiskan uu sii socdo wadan walba oo ku yaal bariga dhexe waxa uu tartan u galayaa in uu sameysto hub niyukliyer ah.
Madaxweynaha Iran Ruuxaani ayaa si dhaqso ah uga jawaabay warka ka soo baxay Madaxweynaha Maraykanka waxana uu ku tilmaamay ka bixitaanka heshiiska mid aan sharci ku fadhin oo xaaraan ah isla markaana carqaladaynaya heshiisyada caalamiga ah.
Madaxweyne Ruuxaani ayaa sheegay in dalkiisu uu ilaaliyo heshiisyada uu galo balse Maraykanka uu ka baxo heshiisyada uu galo.
Qorshahan dhamaystiran ee heshiiska ayaa waxaa isku raacay oo saxiixay dowladda Iiraan iyo 5 dal ee xubnaha joogatada ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Wadamadan ayaa kala ah Mareykanka , UK, Faransiiska, Shiinaha,Jarmalka iyo Ruushka. Heshiiskani barnaamijka Niyukleerka ee iiraan iyo wadamada quwadaha waawayn loo yaqaanaa (P5+1).
Heshiiskaasi waxaa qeyb ka ahaa in Iiran ay aqbashay inay yareyso keydkeeda macdanta bacriminta Yureeniyaamta oo loo isticmaali kara in hub niykliyeer ah laga sameeyo. Xadiditaankaasi ayaa lagu heshiiyay inuu socdo muddo 15 sano ah.
Heshiiska ayaa waxaa lagu taageeray qaraarkii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa 2231, waxaana dhaqangalinta heshiiskani uu bilaabamay bishii January 2016, ka dib markii ay hay’ada caalamiga ah ee ka hortaga hubka Atoomikada ay xaqiijiso in Iiraan ay fulisay balanqaadka.


Lafta-Gareen Oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Deni oo hortagayo Baarlamaanka Puntland.

President Farmajo signs two-year extension approved by Parliament.

Qarax Khasaaro Gaystay Oo Ka Dhacay Inta U Dhexeysa Balcad Iyo Jowhar

Tallaalka SINOPHARM Ee COVID-19 Oo si Rasmi ah Maaanta Loogu Daah furtay Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Sharciga muddo kordhinta ee Baarlamaanka ansixiyeen.

Madaxweyne Farmaajo Oo Saadaq Joon Ka Xayuubiyay Dhammaan Darajadii Ciidan.

Madasha Badbaado Qaran Oo Shaacisay Inay Qaadeyso Tallaabo Lagu Joojinayo Muddo Kordhinta.

Somali Police Chief Meets British Ambassador To Somalia.

Shirkii Baarlamaanka Maanta Oo Fowdo ku Soo Dhamaaday.

Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Shir Gaar Ah Goor Dhow U Furmay Muqdisho.

Tallaalka Covid19 Oo Kabilaawaday Maamulka Puntland.

Dowladda Ingiriiska Oo Ka Digtay Doorasho Hal Dhinac Iyo Muddo Kororsi

AMISOM Oo Ka Guuray Degmada Afgooye Ee Gobalka Shabeelada Hoose(SAWIRRO)

Wasiirkii Amniga Jubaland oo lagu soo Dhaweeyay Degmada Beled-Xaawo.

Beesha Caalamka Oo Shaacisay In Aysan Taageeri Doonin Doorasho Hal Dhinac Ah.

Khasaaro Ka Dhashay Qarax Lala Eegtay Gaari Ay Saarnaayen Dad Shacab Ah

Qodobada ay Ku Heshiiyeen Cabdirashiid Janan & Dowladda Soomaaliya oo la Doo Bandhigay

Wafdi Wasiiro Ah Oo Ka Socda Dowladda Federaalka Oo Gaaray Doolow.

Taliyaha Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliyeed oo ku sii jeeda Gedo

Cabdirashiid Janan Oo Xaqiijiyay in uu la Heshiiyay Dowladda Soomaaliya.

Weerar Askar lagu Dilay oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Midowga Yurub Oo Farriin u Diray Hoggaamiyeyaasha Siyaasada Soomaalida.

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters
Daalaco
-
Wararka2 months ago
Maxkamadda Cadaalada Aduunka Oo Diiday Codsigii Kaga Yimid Kenya.
-
Wararka2 months ago
Koonfur Afrika Ayaa Lagu Xiray Hoggaamiyaha Burcada Disha Soomaalida.
-
Barnaamijyada1 month ago
DHAGEYSO :- BARNAAMIJKA HAMBALYADA IY SALAAMAHA STARFM 11.MAR.2021
-
Wararka2 months ago
Ciidamada Dawlada Oo Gobalka Gedo Ka Sameeyey Howlgalo Ka Dhan ah Alshabaab.