Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo ay wehliyaan Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo si diiran loo soo dhoweeyay.
Mas’uuliyiintan ayaa hal diyaarad ka soo qaaday garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, markii la soo gaba gabeeyay xal u helidii dagaalkii Gaalkacyo, isla markaana laga gaaray heshiis rasmi ah.
Wafdiga uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Madaxweynaha Jubbaland, Madaxweynaha Jubbaland, wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Mas’uuliyiin kale.
Madaxda Maamul goboleedyada ayaa waxaa maalinta berri ay kaga qeyb galayaan magaalada Muqdisho shir looga hadlayo hanaanka doorashooyinka Soomaaliya ee sanadka 2016.
Shirka looga hadlayo hanaanka doorashooyinka sanadka 2016 ee berri ka furmi doona magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in lagu soo bandhigo natiijooyinkii shirarkii wada tashiga ee ka dhacay magaalooyinka dalka ee looga hadlay nooca doorasjooyinka sanadka 2016.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha oo hormuud u ahaa guddigii dhex dhexaadinta ka waday Gaalkacyo ayaa ku guuleystay xalinta khilaafyadii sababay dagaalka dhex maray Maamulada Galmudug iyo Puntland.