Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo ay wehliyeen, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Nabad Suggida C/raxmaan Tuur Yare iyo sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somaliya Nuur Cadde, ayaa booqday shalay oo Jimco aheyd Masaajidka Sheekh Muxudiin Celi oo ku yaallo Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha Somaliya waxaa Mowlaca ku soo dhaweeyay Dr. Sheekh Shariif Sheekh Muxudiin Celi ayaa R/wasaaraha iyo mas’uuliyiinta la socotay halkaasi ku soo dhaweeyay.
Malaaqa Beelaha Xamar iyo Xamardaye, Malaaq Cali Malaaq Maxamed Malaaq Wehliye ayaa ugu mahad celiyay Ra’isul Wasaaraha booqashada uu ku tagay mowlaca Sheekh Muxudiin iyo kulanka uu bulshadiisa la qaatay.
“Waan ku faraxsanahay soo booqashada qiimaha badan ee aad maanta nagu soo boqatay runti waqtigii hore masah laneen in mas’uuliyinta dalka ay shacabkooda dhaxgalaan laakin maanta nasiib wanag waad nasoo booqatay waana ku taagersan nahay mudane.” Ayuu yiri Malaaq Cali
Duqa Magaalada Muqdisho, Muungaab ayaa meesha ka sheegay inay wanaagsan tahay adkeynta xiriirka Madaxda Dowladda iyo Culimada ka dhaxeeya.
“Waan soo dhaweyneynaa in Ra’iisul Wasaaraha uu kulan la qaato culimada mowlaca iyo Masjidka Sheekh Muxiyadiin Celi, waxaa wanaagsan in la xoojiyo xirirka culumada iyo madaxda Qaranka maaddaama dadkeynu iyo dalkena uu yahay muslim.” Sidaasi waxaa yiri gudoomiye Muungaab.
Waa markii ugu horeysay ee Ra’iisul Wasaaraha Somaliya uu booqasho ku tago Masaajidka iyo Mowlaca Sheekh Muxuyadiin Celi.












