Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed “Farmaajo” ayaa wuxuu ka hadlay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ka socda Magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu raadinaayo nooca Doorasho ee la filaayo in Somaliya ay ka dhacdo sanadka 2016-ka.
Farmaajo wuxuu sheegay ugu horayn Dowladda Somaliya inay ka gaabisay Doorasho qof iyo cod, hadii ay taasi suurageli laheyd ayuu sheegay inay noqon laheyd doorasho bilaa eed ah oo aanan cidna lagu eedeynin.
Maxamed C/laahi Farmaajo wuxuu tilmaamay inay wanaagsanaan laheyd shacabka Somaliyed in la weydiiyo nooca doorasho ee ay doonayaan inay ka dhacdo dalka Somaliya sanadka 2016-ka, waxaana shacabka ugu baaqay inaysan ogolaanin wax aysan doonayn, oo aanan lagu dirqin.
“Ma’ahan dadka in lagu socod siiyo wax aysan raali ka ahayn oo lagu qoor qabto ma’ahan Umaddaha aduunka marka ay arkaan wax ka soo horjeedo Mustaqbalka caruurtooda waa ay kacaan oo waa ay hadlaan, anaga codkii shacabka ayaan nahay hadii aan nahay xisbiyada shacabka ha kacaan oo yeeysan ogolaanina wax aysan dan ugu jirin.” Ayuu yiri Farmaajo oo la hadlay Idaacada Daljir ee deeganada Puntland.
Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee Magaalada Muqdisho ka socda, ayaa lagu wadaa in maanta lasoo gaba gabeeyo, iyadoo lagu shaacin doono Nooca Doorasho ee la filaayo in sanadka 2016-ka ay ka dhacdo dalka Somaliya.
Waxaa jirtay kala aragti duwanaansho ka taagan nooca Doorashada, iyadoo Maamulada Puntland iyo Jubbaland ay doonayaan in Doorashada lagu saleeyo Hanaan deegaan, halka Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay doonayaan in Doorashada lagu saleeyo Hanaanka 4.5.
Sikastaba maanta ayaa la filayaa in Shirka Madasha wadatashiga Qaran ee Somaliya la soo afjaro, kadibna la shaaciyo doorashada nooca ay noqonayso.