Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladdii KMG aheyd Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in todobaadkan gudihiisa uu soo gaaro magaalada Muqdisho, si uu uga bilaabo ololihiisa doorashada.
Farmaajo oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa la sheegay inuu halkaas ka waday ololihiisa doorashada, maadaama uu horay u sheegay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha.
Taageerayaasha Farmaajo ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay ka waday magaalada Muqdisho diyaar garow ballaaran oo lagu soo dhoweynayo, waxaana berri lagu wadaa in Muqdisho ay soo gaareen Guddi ka tirsan Ololihiisa doorashada, si ay gogol xaar ugu sameeyaan imaanshihiisa Muqdisho.
Baraha Bulshada ayaa lagu soo bandhigay sawirro ku aadan ololaha doorashada ee Mr Farmaajo, waxaana sawiradiisa lagu dhejin doonaa waddooyinka Muqdisho.
Farmaajo oo ah nin shacbiyad badan, ayaa todobaadkan la sheegayaa in si weyn loo soo dhoweyn doono, waxaana taageerayaashiisa la filayaa inay isugu soo baxaan waddooyinka Muqdisho, si ay u muujiyaan taageerada iyo kalsoonida ay u hayaan.
Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha ayaa ku jira diyaar garowgii u dambeeyay ee ololahooda doorashada, waxaana ay bilaabeen inay Muqdisho yimaadaan.