Xidiga khadka dhexe kaga cayaaro xulka Brazil Ramires ayaa doortay inuu mustaqbalkiisa cayaareed dalka China kasii wato kadib markii uu si rasmi ah ugu biiray naadiga Jiangsu Suning.
Waxaa la xaqiijiyay in kooxda reer China ay Ramires ku iibsatay £25 million wuxuuna soo gaba gabeeyay xidigan mudo 5-sano iyo bar ee uu kooxda Chelsea ka tirsanaa.
Kooxda Chelsea ayaa si rasmi ah u baahisay in Ramires uu garoonka Stamford Bridge isaga tagay kuna biiray naadiga iangsu Suning waxaana loo rajeeyay nasiib wacan.
Guud ahaan Ramires wuxuu Chelsea u saftay 251-kulan asigoo u dhaliyay 34-gool, wuxuuna xili cayaareedkan Blues u saftay 12-kulan asigoo gar waaqsaday inaysan jirin fursad uu Chelsea boos hada kadib boos joogto ah kaga heli karo.
Ramires ayaa kooxda Chelsea kula guuleestay koobab badan oo muhiim ah waxaana ka mid ah Premier League, FA Cup, UEFA Champions League, Europa League iyo koobab kale.
Kooxda Chelsea ayaa uga mahad celisay Ramires mudadii 5-sano iyo barka ahayd ee uu garoonka Stamford Bridge ku sugnaa waxayna Blues sheegtay in xidigan marwalbo wanaag iyo waxqabaad sareeyay lagu xasuusan doono.