Weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski ayaa diidi doona xiisaha uga imaanaya kooxaha Manchester United, Manchester City iyo Chelsea si uu u sugo kooxda Real Madrid, waxaa sidaasi qortay jariirada The Independent.
Waqti xaadirkaan Real Madrid waxaa ku soo socota xayiraad laga saraayo suuqa kala iibsiga, lamana soo wareegi karaan ciyaaryahan xagaaga soo socda iyo bisha Janaayo ee 2017 ka dib markii FIFA ay ku heshay danbi ah inay si sharcidarro ah kula soo wareegeen caruur da’dooda ka yar tahay 18 sanno jir oo ajnabi ah.

Lewandowski oo Bayern Munich ka soo biiray Borussia Dortmund sannadkii 2014 ayaa lagu waramayaa inuu doonayo tartan cusub ka dib markii uu labo xilli ciyaareed oo guulo ah la qaatay kooxda heysata horyaalka Bundesliga ee Bayern Munich.
Waxaana uu diyaar u yahay inuu iska diido kooxaha Premier League ee xiiseynaya isagoo dhawaan weeraray kubada cagta Ingariiska, waxaana uu daneynayaa inuu Galatico ka noqdo kooxda caasimada Spain ka dhisan ee Los Blancos.
Real Madrid ayaa racfaan ka qaadatay xayiraadii laga saaray suuqa kala iibsiga waxaana ay rajeynayaan inay ku guuleystaan taasoo u saamixi doonta inay la soo wareega xagaaga Robert Lewandowski.