Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Jubadda Dhexe Wabiga Jubba, ayaa fatahaad wuxuu ka geystay deegaano ka tirsan Gobolka Jubadda Dhexe, gaar ahaan Degmada Bu’aale.
Roobab ka da’ay Gobolka Jubadda Dhexe ayaa sabab u noqday in uu Wabiga Fatahaad sameeyo, waxaana uu saameeyay dalagyo dul beereed ah iyo Matooro loo isticmaalo Waraabka Beeraha.
Inkastoo ilaa hada aanan la soo sheegin Khasaaro dhimasho oo ka dhashay fatahaada Wabiga uu geystay, hadana Khasaaraha ugu badan waxaa la soo sheegayaa in uu ugeystay Dhulka Beeraha iyo Matooradii Waraabka loo isticmaalaayay.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Fatahaada Wabiga uu geystay, welina ay jirto cabsi kale oo la xiriirta fatahaado kale oo uu wabiga gaysto.
Hareeraha Wabiga oo ay deganaayeen Qoysas badan ayaa la soo sheegayaa inay halkaasi ka barakaceen dadkii deganaa si uusan saameyn ugu yeelan Wabiga Jubba fatahaad mar kale uu gaysto.
Horay ayaa digniin looga bixiyay suurtagalnimada in Fatahaado ay gaystaan Wabiyada Somaliya, waxaana loogu baaqay dadka hareeraha ka degan Wabiga inay halkaasi ka fogaadaan si uusan saameyn ballaaran ugu yeelan fatahaada Wabiga.
Roobabka dayrta ayaa ka biloowday dalka Somaliya, waana mida ugu weyn ee keentay cabsida laga qabo fatahaada Wabiyada Shabeelle iyo Jubba.