Madaxda Sirdoonka Ruushka Alexander Bortnikov ayaa xaqiijiyay in diyaaradii dhamaadkii bishii hore ku bur burtay Gacanka Sinai ee dalka Masar loo adeegsaday fal qarax ah oo diyaarada gudaheeda la geliyay.
Diyaaradan oo laga lahaa Ruushka oo tirsigeedu ahaa A321 ayaa waxaa ku dhintay 224 oo ahaa rakaabkii diyaarada saarnaa iyo shaqaalaha, kuwaasoo dhamaantood ka soo jeeday dalka Ruushka.
Alexander Burtnikov ayaa sheegay in walxaha qarxa ee loo adeegsaday diyaaradaas uu ahaa aalada loo yaqaano TNT oo aheyd 1.5 Kg, waxaana boorsooyinka lagu qariyay laga dhex helay bur burkii diyaarada.
Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa sheegay inay ciqaabi doonaan kuwii ka dambeeyay bur burka diyaaradaas, gaar ahaan kooxda ku sugan Gacanka Sinai.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ruushka ay ugaarsan doonto cid alla cidii ka mas’uulka aheyd bur burka diyaarada.
Dagaalyahano taabacsan IS ama Daacish ayaa sheegatay inay soo riday diyaarada, isla arkaana ay uga jawaabeysay duulaanka Ruushka ku soo qaaday Suuriya.
Diyaaradan ayaa ka duushay magaalada loo dalxiis tago ee Sharma Sheekh dalka Masar, waxaana in muddo ah isa soo tarayay warar is khilaafsan oo ku saabsanaa qaabkii ay ku bur burtay.
Sirdoonada Britain iyo Mareykanka ayaa horay u xaqiijiyay in diyaarada la soo riday, isla markaana loo adeegsaday waxyaabaha qarxa.
Ruushka iyo Britain ayaa gebi ahaanba joojiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen dalka Masar, waxaana boqolaal dalxiisayaal ka soo jeeda dalkooda ay ka daad-gureeyeen intii uu socday baaritaanka bur burka diyaarada.