Ciidamada Ahlusuna Wal-jameeca ayaa saaka mar kale weeraray Guriga uu degmada Caabudwaaq ka degan yahay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Maamulka Galmudug C/qaadir C/llaahi Warsame, kaasoo maalin ka hor gaaray degmada.
Iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamo taabacsan Ahlusuna iyo Ilaalada wasiirka ayaa ka socda galbeedka degmada Caabudwaaq, waxaana la sheegay Ciidamada Ahlusuna ay hareereeyeen Guriga Wasiirka Ganacsiga Galmudug, iyagoo doonaya in la soo saaro.
Wararka ayaa sheegaya in Ilaalada Wasiirka ay iska difaacayaan ciidamada soo weeraray, waxaana iska hor imaadka uu saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqii guud ee degmada, waxaana wiiftada rasaasta ay gaareysa xaafadaha kale ee aan iska hor imaadka ka socon.
Labada dhinac ayaa abaabulo xoogan ka wada magaalada, waxaana kala gaaraya gurmadyo uga imaanaya Dhuusa Mareeb iyo Cadaado.
Ugu yaraan saddex ruux ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen iska hor imaadka saaka oo Arbaco ah ka socda Caabudwaaq, iyadoo xaaladuna tahay mid kacsan.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Galmudug ayaa ku eedeeyay weerarka lagu qaaday gurigiisa inay ka dambeeyeen Ahlusuna, inkastoo Maamulka Ahlusuna aanay wali ka hadlin.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe