Safaaradda Iran ay ku lee dahay Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu wareejiyay raggan, oo habeenkii Khamiista lagu soo furtay hawlgal ka dhacay Magaalada Cadaado Ee Gobolka Galgaduud.
Raggan, ayaa waxaa fiidnimadii xalay diyaarad lagu keenay Magaalada Muqdisho, waxaana Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Amniga Somaliya, C/risaaq Cumar Maxamed.
Wasiirka, ayaa afartaasi nin wuxuu ku wareejiyay Saraakiil ka socotay Safaaradda Iran, oo loogu yeeray inay Dowladda Somaliya kala wareegaan ragga laga soo fakiyay gacanta kooxaha burcad badeeda Somalida.
Wasiirka, ayaa wuxuu sheegay raggaasi in lagu soo furtay hawlgal uu sheegay inay iska wada kaashadeen Ciidamada Nabad Suggida Dowladda iyo Nabad Suggida Maamulka Galmudug, sida uu yiri.
Dhanka kale Wasiirka wuxuu tilmaamay inay jiraan rag ka tirsan kooxaha burcad badeeda iyo hubkii haysteen oo gacanta lagu soo dhigay, ayna raggaasi ku xiran yihiin xabsi ku yaala Magaaladaasi Cadaado.
Ragga reer Iran ee la soo furtay, ayaa waxay ka mid ahaayen 13 nin oo Iran u dhashay oo khilaaf soo kala dhex galay kooxaha burcad badeeda awadeed, ay u kala qaybsadeen. Burcad badeedu waxay isu qab qabatay ciddii gacanta ku hayn laheyd.
Sagaalka nin ee kale ee Iran u dhashay, ayaa weli gacanta ugu jira burcad badeeda, waxaana lagu hayaa miyiga Gobolka Mudug. Ajaaniibtan ayaa gacanta u galay burcad badeeda, horaantii sanadkan.