Safaaradda Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho ayaa si rasmi ah ula wareegtay xarumihii waxbarasho iyo caafimaad ee ay gacanta ku heystay Hey’adda Nile Organization.
Hey’adda Nile Organization oo ka mid ah Hey’ado uu leeyahay wadaadka dibad jooga ah Fethullaah Gulen, kaasoo lagu eedeynayo inuu ka dambeeyay afgambigii fashilmay ee todobaadkii hore ka dhacay Turkiga.
Shaqaalihii u dambeeyay Hey’adda Nile ayaa shalay ka baxay magaalada Muqdisho, waxaana marnaan xaga maamulka ku yimid xarumihii caafimaad iyo waxbarasho ee ay Hey’adda Nile gacanta ku heysay.
Diblomaasi u dhashay dalka Turkiga oo la hadlay Wakaalada wararka ee Anadolu ayaa sheegay in Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ay la wareegtay maamulka saddex iskuul iyo Isbitaalka Deva oo hoos tagayay Hey’adda Nile.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa guddi u saartay sidii dowladda Turkiga ugala shaqeyn lahaayeen sii wadista howlaha ay heysay Hey’adda Nile.
Hey’adda Nile ayaa Soomaaliya ka howl galeysay 4-tii sano ee la soo dhaafay, waxaana bayaan ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya todobaadkii hore shaqada looga joojiyay, iyadoo shaqaalaha hey’addaas lagu amray inay dalka isaga baxaan.