Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa waraaqaha aqoonsiga ee safiirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Somaliya u magacawday inuu u fadhiyo Xarunta Turkiga Ee Magaalada Ankara.
Madaxweynaha Turkiga, ayaa Danjire C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ku qaabilay Qasriga Cad (AK Saray), halkaa oo uu kaga guddoomay waraaqahiisa safiirnimo.
Barraha bulshada ku wada xiriirto, ayaa lagu baahiyay sawiraan muujinaya Safiirka Somaliya ee Turkiga, oo waraaqihiisa aqoonsiga ee danjirnimo ku wareejinaya Madaxweynaha Turkiga.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bishii July Sanbaloolshe u magacaabay Safiirka Somaliya ee dalka Turkiga, markii uu xilkaasi ka qaaday Danjire Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.
Sanbaloolshe, ayaa horey u soo noqday Safiirkii Somaliya ee dalka Britain. Waxa kaloo uu soo noqday Wasiirkii Amniga iyo Agaasmihii Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka.
Madaxweynaha Turkiga, ayaa sidoo kale maanta waraaqaha aqoonsiga ee Safiirnimo ka qabtay Safiirada cusub ee dalalka Gabon, Slovakia iyo Singapore u fadhin doono Ankara.
Turkiga waxaa lagu tilmaamaa saxibka ugu weyn ee Somaliya, waxayna taageeradiisa Somaliya soo ifbaxday sanadkii 2011-ka, xilligaa oo Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya ay ka jireen abaaro daran.
Madaxweyne Erdoğan oo 25-kii bishii January booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho, ayaa ku dhawaaqay in illaa 10 kun guri ay muddo laba sano ihi kaga dhisi doonaan Caasimadda Somaliya


