Wasiiro ka tirsan Maamulka Galmudug, ayaa markab dagaal dushiisa waxa ay kula kulmeen Saraakiil ka tirsan NATO, kulankaasi oo ka dhacay meel ku dhaw Xeebta Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.
Muhiimada kulanka ayaa ah sidii la isaga kaashan lahaa ammaanka Xeebaha Degmada Hobyo, maadaama xilligan uu aad u yaraaday falalka Burcad badeeda ay ka geysan jirtay Biyaha ku teedsan Degmada Hobyo.
Guddoomiyaha Degmada Hobyo ee Maamulka Galmudug, Maxamuud Cawaale Liibaan ayaa sheegay in ahmiyad weyn ay u laheyd kulankaasi oo waxyaabo badan la isku soo hadal qaaday.
Waxa uu tilmaamay in ay ka heleen ballan qaad ah inay ka qeyb qaataan horumarka deegaanka, maadaama hadda aysan jirin burcad badeed, sidoo kalena ay qalab ciidan u keeni doonaan.
“Waxay ina dhaheen maadaama ay yaraatay Burcad badeeda waxaan idiin sameyn doonnaa ka qeybqaadashada horumarinta, ciidamadana qalab ayaan idiin siineynaa, waana ku faraxnay arrinkaa.” Ayuu yiri Guddoomiyaha.
Wasiirada Maamulka Galmudug, ayaa Saraakiisha NATO waxa ay u gudbiyeen dacwad la xiriirta inay ka cabanayaan xaalufin Kheyraadka Badda oo ay geystaan Maraakiin shisheeye.
Saraakiisha NATO oo ay wada kulmeen Wasiirada Maamulka Galmudug ayaa waxa ay ka socdeen Dowladda Denmark.